
Boqor Cisman’s
letter to Filonardi
Warqaddani ma ku soo
xasuusinaysaa xaaladda maanta taagan ee ciidamada shisheeye lagu doonayo
in lagu keeno Soomaaliya. Waa waraaq xodxodasho oo aad mooddo in afo
saygeedii u dirayso. Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ruuxa u muunsoodka
Xabashida ku eedaynayoow bal eeg Suldaanka (Boqorka) waxa markaas uu hubka
u urursanayey oo geyeysiisay inuu gaalada u oslo waxay ahayd inuu
Soomaalida koonfurta degta ku jebiyo asagoo adeegsanaya cudud shisheeye.
Bishii Oktoobar
19keedii, Sannadkii 1892 (27kii Rabical Awal, 1310), Suldaankii
Majeerteen ee Boqor Cismaan Maxamuud Yuusuf ayaa warqaddan ka diray
Caluula una diray Signor Filonardi;
"Haddee waqtidheer kuma
aanan arkin xubbi aad u xooglehna waxan u qabnaa aragtidiinna. Saxiibkeen
ayaad tahay mana ogin sababta aad annaga noo tuudheen. Doontii
Esfita ahayd waa noo timid sannadkan, laakiin la'aantaa bay timi.
Haddee hadda waxan rajaynaynaa inaan muxubbo iyo galgacal idinku aragno,
waayo saaxiibtinimo iyo Galgacayl ayaa ka jira dhexdeenna.
Si naxariis leh noogu
keen qoryihii iyo rasaastii aan kaala hadalnay sanadkii la soo dhaafay,
waayo hareeraheenna waxa hareeyey mucaaradad. Waxan filaynaaniin caawimo
xaggiinna ah waayo saaxiibkeen baad tahay waadna yeeli.
Waqtiga aan qorahayo (warqaddan)
ninkii Abi Bakr Cawad baa halakan yimid oo noo keenay mushaharkii sannadka.
Waxaan u soo jeedinnay asaga inuu war buuxa ku siiyo.
Markaad halakan timaado
waynu is fahmi doonnaa. Waxaan doonaynaaniin baaruud (baaruudda qaraxda)
qorigii Ofiat ahaa, iyo fadhigii iyo alaabtii guriga ee
kale. Waxan aad u jecelnahay inaan magacaaga u dhisno guri dhagax ah.
Adiga waxan jecelnahay inaan kuu adeegno waynuna isku raaci doonna meesha
aan gurigaas kaaga dhisayno."
------------
On October 19, 1892 (27
Rabi El Aual, 1310), the Sultan of Majerten, Osman Mohamud Jusuf,
similarly wrote the following letter from Alula, to Signor FIlonardi:
"Since long we have
not seen you and we have a great desire to see you. You are our friend and
we do not know why you have abandoned us. The steamboat Esfita has arrived
this year, but without you. Now we hope to have the pleasure of seeing
you, because friendship and affection exist between us.
Kindly bring to us
the rifles and the cartridges of which we have spoken about with you last
year, because the rebellion has increased around us. We expect the
assistance from you because you are our friend and you will do it.
On the date of this
(letter) Abi Bakr has arrived here bringing to us the salary of the year;
we have recommended him to give detailed information.
When you come here we
will understand each other. We want barut(gun powder) for the Ofiat, the
seats and the other furniture. We wish to construct a stone house in your
name. For you we wish to work and we shall agree at which site the house
will be built."