| Thursday,
October 5th, 2006 | |
 Suldaan
Cali Yuusuf oo gaalo baryaya
Warqaddani ma ku soo
xasuusinaysaa xaaladda maanta taagan ee ciidamada shisheeye lagu
doonayo in lagu keeno Soomaaliya. Sida Cabdullahi Yuusuf maanta
Xabashi u wato ayuu Suldaankii Hobyood ee Cali Yuusuf u ugu
qayshanayey saancaddaalaha Talyaaniga si loogu kaalmeeyo hub uu ku
qabsado Koonfurta Soomaaliya.
Bishii October 10keedii
sannadkii 1892 ayaa Suldaankii Hobyood warqad u diray Filonerdi oo
ahaa ninka dhisay xafiiskii Mustacmarada Talyaaniga ee Somalia
"Waxan
kugu wargelinaynaa in sannadakan aad na tuudheen waayo Doonyo nooma
aysan imaanin sidii caadadu ahaan jidhey. Cidina weli nooma aysan
keenin looxaantii, sidoo kalena ma haysanno wax raashin iyo rasaas
ah. Sannadakan waxa dhacay dagaal qaraar. Dadka deegaankan saxaraha
ahuna waa nagu mucaaradeen dagaal rag badan nalooga dilayna haddee
waa dhacay.
Markii
doonnidii Esfita ay baxday, waxaan rajaynayney in ruux
dhankaaga ka imaan doono laakiin haddee illaa maanta ciduna ma aysan
noo imaan. Taariikhda aan warqaddan qorahayo, Abu Bakr bin Cawad
ayaa noo yimid oo noo keenay lacagtii aad na siin jidheen ee
sannadka 1891. Waxan rajaynaynaa inaad nagu kaalmayn doontaaniin
raashin iyo qalab dagaal waayo haddee badbaadadiinna ayaan ku
jirnaa calankaagana waa harsanaynaa. Marka haddee u malayn mahayo
inaa na illowdeen oo na tuudheen.
Hadda
waxan ku naaloonaynaa imaatinkiinna iyo adinkoo wada waxaan idinka
codsannay. Nimankan la yiraa Abu Bakr bin Cawad ayaa warka oo
tifaftiran idin siinahaya. Waxaan rajaynaynaa inaad degdeg noo soo
gaartaaniin sannadakan si aan wadar ahaan xaajadeenna u gudanno!
Haddee
hadda waxan haynaa laba waddan: Hoybo iyo meesha la
yiraa Ceel Huur, askar intii hore ka badanna waa
haysanaaniin. Saaxiibbadeena la dilay waa 11. Doonteeniina oo ay
alaabtannadii qaar saaran yihiinna sannadakan waxay ku jabtay Hobyo.
Abaanoow lacag baan u baahnahay doonna hadde ma haysanno. Adigaa
saaxiibkannaga ah mana ogin Masiixiyiin na gargaadha oon adiga ahayn,
haddee calankaa kiinna ahna waa difaacnaa."
……………………………
On 10 October 1892 the Sultan
of Obbia wrote to Filonardi, the architect of the Italian colonial
administration in Somalia:
"We inform that this year we
have been adandoned and there was no steamboat that has come to us,
as it was the practice. Nobody has brought to us the woods and we
have neither food nor cartridges. There was a serious war this year.
The inhabitants of the desert have rebelled against us and there was
a fighting in which some of ours have been killed.
After the departure of the
steamboat Esfita we hoped some one would come from your side, but
until now nobody came. On the date of this letter Abu Bakr bin Auad
has arrived bringing to us the payment of the year 1891. We hope you
will help us with food and the supply of war material, because we
are under your protection and your flag. We would not think that you
have abandoned us.
Now we wish your arrival
together with what we have requested. ABu Bakr bin Auad will give
full information. We hope you come soon this year to negotiate
together.
Now we have two countries:
Obia and Eil Hur and we have many soldiers different than before.
Those of our friends killed are 11. Our saia (boat) has broken down
this year at Obbia with some of our properties on board. We need
money and we are without boat. You are our friend and we do not know
other Christians besides you, and we defend your flag.”
Mohamad Osman Omar, Somalia:
Past and Present, pages 56 - 57
|