news@caynaba.com    


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



POETRY

MIIQ BAAD KANOQOTEEN
Sagal Cali

WAA SILSILAD SUUGAAMEED UU BILAABAY MAX'D AW CALI CARTAN

1.Cartan 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5. Cartan
6.Mubarak 7. Sagal 8. Fahmo 9..Cartan 10. Sagal
11.Mubaarak 12. ahmo 13. Cartan 14. Mubaarak 15.Saleebaan
16. Cartan        
         
Gabaygan  waxa curisay Sagal Cali waxay marlabaad ku soo gashay silsilada iyadoo ku canaananaysa Maxamed Haldeeq iyo Mubaarigba inay ama gabadha la jeclaaday ay iyagu dayaceen gabaygeeduna wuxu ku bilaabmay sidan

MIDHKA GABAY MANAAMO IYO HEES, MAANSO IYO,JIIFTO
MILGA HADALKA MAAHMAAHDA IYO, MADAL U SHEEKAYNTA
MAWJADAHA CAASHAQA RAGMIRAY, MAHADHO WEEYAANE
WELIGOOD MICIIN KAMA HELAAN, MURANTI NAAGOODE
MELEGBAY U LOOGAAN XABAAL, LAGUNA MOOSAAYE
MAAXDUU CILMIBA MARIYAY BAA, MAHADHO REEBTAAYE
MAANSOOYINKII TARABIBAA, LAGU MAQSUUDAA.

AFARTAAS MACNEEYAYE WAXAAN, UGA MAQAAN QAADAY

MILILACA HALDEEQ IYO KUDHACAY, INANKA MAANSOODAY
MAHURAAN HADAY LEEYIHIIN,TALO MIDAYNAAYA
AMAY MOOSAS ADAG IYO YIHIIN, BUUR MARMARADLA,A
WUXUUN BAA LA MAARAYN, LAHAA, MAXAMED DEEQOOWE
MIIG LAGU MAQAADEEN YARTAAS, LOO MADAWYAHAYE
MIIQBAAD KA NOQOTEEN MACNII, MADASHA REER AHAE

MIDAB QURUXSAN MAANQAAD, HABLAHA LOO MASHXARADAAYO
MAHAD EEBE WEEYEE KUWAAS, MEDENEHEEN JOOGA
MALKADII BERBERA IYO KUWAAS, HERER MUSHAAXAAYA
AMA MAAKHIR KAAS SARE JIRA, MALAB TOGDHEERTEENA
BAL INAY WAX MAARAYN KARAAN, UGA MURAADYEELO

AFARTAAS MACNEEYAYE WAXAAN, UGA MAQAAN QAADAY

INANTAAS MARAYKAN IYO YURUB, KALA MIN WAARAYSA
HADAAN QAADIKUU MEHERIN OO, MIDIG LAGUU SAARIN
WAAKUU MURAADLI I WAXAAD, UGUMUCTAADAA.
HADIISE AAD MIRTII DHEXE HURDADA, MUXIBO HEESAYSO
MAWJADIYO HADAAD KALA DHEX MARI, TOGAG MAREENOLA,
MASALUHU HALKUU KAALA BIXI, WAA MAQAAN FURAN

AFARTAAS MACNEEYAYE WAXAAN UGA MAQAAN QAATAY

FAHMO ALI MIDHKII AYLAHAYD, MUHIN DIS KEEDIIDHEH
MALUUGTIYO MASLAXA AY ITIDHI, MAHAD NAQEEDII DHEH
MUSHKUL DHACANA WAA LAGA HADLAA, MAARANAA JIRA,E
MARXAL BAA LAKEENAA ARLADAN, MEEL ADJOOGTANA E
MUSKII, OODA GEEDKII RIYII, LAGUMA MAYRACO E
MUGDIGII KABEXE DUMARHADII, AAD WAX MOOG TAHAYE.



MADAXBAA LAWADA RAADIYAA, IYO MEELAHAA SARE,E
MAQAANKII HARGAYSABA LA ARAG, MUDH U BAXEENII.
AFARTAAS,MACNEEYAYE WAXAAN ,UGA MAQAAN QAATAY
OO AAN KU SOO MEERIYAY, KUNA MAREEGEEYEY

SAGAL ALI US A
sagal010@hotmail.com

 
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.