news@caynaba.com    


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



POETRY

SAMIRKA MIILAYSO
Mubaarak Qoorubaxay

WAA SILSILAD SUUGAAMEED UU BILAABAY MAX'D AW CALI CARTAN

1.Cartan 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5.Cartan
6.Mubarak 7. Sagal 8. Fahmo 9..Cartan 10. Sagal
11.Mubaarak 12. ahmo 13. Cartan 14. Mubaarak 15.Saleebaan
16. Cartan        
         

Tixdan gabayga Waxa jawaab u tahay gabaygii Mulaax

u dambeeyey ee uu tiriyey Maxamed aw Cali Cartan, Waxaa tiriyey Mubaarak Mohamed Nuur (qoorubaxay),waxayna soo baxday 25/11/2006

 

Masafayta Jiiftada Lingaxan tuducyo Miisaan leh

Gabaygaan mar iyo laba Lahaa Ararta Muuneeya

Ee aan Magaabada cishqiga Ugu muquuraayey

Macnihiyo naxwihii way durkeen noqoyey Maashaaye

Madi noo irmaan buu noqdiyo Miilalyada ceele

Marqa furay intii aan Lahaa tixaha meeleeye

 

Intaan Maxamed deeqoon Murtida Kala Minwaaraynay

Ee aynu maadaha jacayl Muxibo heesaynay

Inkastoo Mildhaadhiga Dhul kale la iga soo maagay

Oo reero kale iyo muskood Moosin iga hawlay

Oo inaan Madaafiic rakibo joogo Milaygeedu

Hayeeshee Midhkaan Odhan Lahaa waw mudh baxaya

 

Wuxu yidhi Miliilica jacayl Saad u kala miirtay

Manaxaanka caashaqa sidii aad u muhanaysay

Sida aad Markii uu ku helay ula madluumaysay

Murugada kalgacaluu ku baday maqalay dhawr goore

Masaalkana waxaan Odhan lahayn celinay maahmaahe,

 

 

Aniguna xanuunkaan mutiyo Mahadhaduu reebay

Wixii aan ka soo maray tilmaan Muunadlaan dhigaye

Mareegahaba waa kaa ku qoran Maalin iyo leyle

Inuu xaal macruuf yahay Ayaan muran ka taagnayne

Masaftaynu wada saaranahay mari badweyn taase,

 

Hayeeshee Makaawaha jacayl Meeris iyo sheeko

In mariid Mariid kale ka dhayo Maanta wa u koowe

Inkastaan qof Meeli u cadahay Dhan u madoobaado

Oo aanu Maaweelo kale doonin madaxiisu

Adna maluhu kaa taagan yahay ama muraadkaagu

Hadii aan milgiyo muna la helin Maaroba mataane

Si kastoon u maarayn Karaba Waynu Mudacyayne

 

Afarataa Maluugaha kalgacal Moora uga baadh dhe

Qalbi mudan mataantii ka maqan Muhashadiisii dheh

Mahuraanka Caashaqa cilmaa lagu mataashaaye

Rag kaluu maraan maray beryahan Milayga koodii dheh

Arin kalena waa maansadaad haatan Marinaysay

 

Muudaaga aarkuba marbuu debeda meeraaye

Maroodiguba qalanjada beryuu ayda ka mirtaaye

Maroor Wayne awrkaa halaa laga maqneeyaaye,

 

Hadii aan masaafayn lahayn Meeshu halis weeye

Dhabar kii garaacii madheedh looga mayi maayo

Hadii aad madiidayn lahayd diinta laga maanac

Hadii aan maxkamad geyn lahayn meher kumaad jiidin

Maqbuul iyo gudoonkii ma dhicin maragna muu joogin

Iyadiina haa iyo maya kuula muhan wayday

Adigiina maankiyo caqligu damacyey muuqeeda

Samir inaad ka mooyaysatana kula mudnaan weyday,

 

Marwo udugle qurux iyo marwaad lagu malxiisaamay

Magaaladii burciyo reer togdheer Magarku qayshaaro

Mid inaad kasoo qaayibtoo aqal laguu Muujo

Midigtaad ka soo taagatoo nagala meermeertay

 

Mawlaha ilaahee isagu Xaalka kala muuja

Arimaha macbuudka leh Hadaad marin san waydiiso

Masjidka istaqfaarada Hadaad ula muraadooto

Hadii aad Mudo iyo dhowr usbuuc xaajo Waxay moodo

Nafta aad ku maradhaamisoo taloba meesheede

Inuu maanku kuu yara degaa ama mastuurnaado

La madluunka caashaqa ayay magaca dhaantaaye.

Mutulaha ninkii soo Dhisaa muruq ka sii Wayne

Inta xaalku kala miirmayuun Samirka Muunayso.


dhamaad
.

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.