  
|
 |
|
POETRY |
|
MA KA MUDHAY
By: Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay" |
|
WAA
SILSILAD SUUGAAMEED UU BILAABAY MAX'D AW CALI CARTAN |
|
|
|
|
|
Gabaygan Ma Ka mudhay wuxuu jawaab u yahay gabaygii Madax daar
ee soo tiriyey maxamed aw cali cartan, waxay soo baxday tixdani
23-11-2006,waxaa Tiriyey Abwaan Mubaarak Mohamed Nuur (qoorubaxay).
Murti gabayle Hawraaro Mudan milayga suugaanta
Geeraaro lagu meeriyo maanso iyo jiifto
Maahmaaho lagu sii ladhiyo Miilo lala eegto
Mushtar gabayga iiguma imaan Mahad ilaahaye
Tobankoo Midh ii dheeryahahaan hoorshay maansadada
Markhaataan U haystaa Dugsiga macalimiintiiye
Nimankaanu wada miiltanaa Magane sii noole
Maanta Wax ila Maagayoo Muunadlaa jira’e
Adaa maxamed deeqoow u shiday magane tooshkiiye,
Mayay da’ay mahiigaan qod qoday Mire ku soo gaadhay
Waqal maaxday gudgude soo mirkacay hogole Maasheeyey
hirar madow Daruur lagu masaxay jebelo soo muuqday
Hilaac maray malkada iyo dhulkaba Muhashaduu reebay
Inaan Meertadaydii Tixdhaab Marinayaan sheegay.
Hablahaa magaabada tixaa mariyey ee Keenay
Anigoon ka maanicin hadii Loo Masala baadho
Fahma Muhindiskeediyo anoon Sagal ku moosaynin
Marleydii haween Iyo nin Ragii kala mid weeyaane
Madal baynu Joognaa hadii laysku maakubo,e
Mahwi eray dhacay Baa hadhow keena murugoode
Masaawaynta sheekada hufnaan hadalo maamuusle
Milgihii xishoodkiyo dhaqan Lagama maarmaanka
Inaan arartu meeshay ahayd Marinayaan sheegay,
Gabdho wada muraayada hubqaad Muuno saayidale
Mawlaha ilaah baa dalkii Muusha oo dhigaye
Milicsigii jacleecada hadii laga maqnaan waayo
Maamuuska sharafeed hadii layla muhan doono
In ishaydu meel kale jirtaan magane sii sheegay.
Afartaa macnayntii naxwaha malabsigeedii dheh
Muran Li’i afeef aan dhigtiyo Ma hurtadeedii dheh
Mataalkaan ka Rabo sheekadiyo marin tuskeedii dheh
Miciyaha shabeelkiyo libaax ayda miranaayey
waxba yaan maroodigan cartamay duminin Mooskiiye
Ma ka mudhay Midhkaan soo wataan Cidi malaynayne
Muxibada jacayl maxamedoow laba Mid weeyaane
Maal iyo Aduun kay tihiyo moodhar iyo Gaadhi
Mawaashiga waxaan geel dhaqniyo ma hurto xooleedka
Maamuus gobeed iyo Macsuun maganta soorkeeda
Marti xaajo loo sii qunshiyo muuminimo Looga
Inaynaan masuugaynin Anaa kuu markhaatiyahe,
Hadii inanta aad magansataa Kula macnayn waayo
Hadii ay marwaad iyo kalgacal damaca kaa maagto
Mayduba sed weeye Haday Midig afkii saarto
Oo haana aan laga maqlayn inay maqbuul keento
Inaad meel fog eegmada indhaha milicsi sii dhawrto
Taasaa masiiba ah Ileen Muranku waa ceebe
Sow sabir Miciin inad bidaa kugu mubaax maaha
Sow inad masaawaha cishqiga dayatid meel maaha
Sow inaad Milgaba sii dhigtaa magac dhowgeed maaha
Sow inaad mawjadahan kacay meeriskiyo heesta
Sow inaad Miniin iyo siniin igu mudayn maaha
Sow inaad minguurshaha xiliga maalintiyo leylka
Sow inaad mid caashaq taqaan ula muraadooto
Sow inaad magaabada cishqiga ula kacdaa maaha.
Afartaa macnayntii naxwaha malabsigeedii dheh
Muran Li’i afeef aan dhigtiyo Ma hurtadeedii dheh
Mataalkaan ka Rabo sheekadiyo marin tuskeedii dheh
Miciyaha shabeelkiyo libaax ayda miranaayey
waxba yaan maroodigan cartamay duminin Mooskiiye
Ma ka mudhay Midhkaan soo wataan Cidi malaynayne.
Wuxu yidhi Masalo soo dhacdaa noqota maahmaahe
Hadaan anigu bahalkii i miray magane kuu sheegay
Hadaan mawjadii aan dhex galay lagu muquursiiyey
Hadii madhax Jacayl uu Lahaa waa i soo maraye
Markaan anigu yaasmiin kalgacal ugu macnaynaayey
Mar is Idhi bilaayuu mid kale meher u fuulaaye
Mar is Idhi mitaal waa haween maxabadoodiiye
Mar is Idhi muquunada naftaba magan u sii siiye
Mar is Idhi magaynada tolkeed heesta maqashiiye
Mar is Idhi miliilica kalgacal way ku moogtahaye
Mar is Idhi badwayn maaxatiyo mool adaa galaye
Mar is Idhi Col aad miiratiyo muruq u soofeeye
Mar is Idhi allah mawlaha ah samir mugiisiiye
Mar is Idhi midhaad seegtayoo baal martaa jirae
Mar is Idhi iskaba maaranoo daaba magaceede
Mar is Idhi dhexdiina la maray inanta muusoowe
Mar is Idhi majribad bay ku marin meel xun hays dhigine
Mar is Idhi jacaylkaba mushtari baayac Maalinahe
Mar is Idhi waxaad meerin layd Malin gelinkeede
Mar is Idhi malaa waa riyee madaxa soo toose
Mar is Idhi miyaa lagugu falay moora mooraha
Mar is Idhi masaalkii cilmaad meel ku socotaaye
Mar is Idhi maxay tolow rabtaa laabtu muhataaye
Mar is Idhi Mildhaadhiga abwaan miigan baa helaye
Mar is Idhi waxay maagantoo moogantaa jire’e
Mar is Idhi jacayl baa mudoo miro ku sii dheere
Mar is Idhi xishood bay indhaha kaala marataaye
Mar is Idhi haween waa mukure maalmo yara dhowre
Mar is Idhi mahwiga uga dhex Sheeg maaxda caashaqae
Mar is Idhi Marleyba iska daa muramadoodiiye
Mar is Idha maxaa kugu makalay eed u muhataaye
Intaasoo marqudho wada socdaan maanka ku hayaaye
Manaxaan cishqiya oo ku helay Meeshan ka cadaaye
Hadii Muhundiskii aan ku Idhi kuu Mitami waayey
Mariidkuba baxnaanada beryaa lagu maqnaadaaye
Milgo inay jawaab soo dirtoo Muna ku doonayso
Iyo inay Maneenada sidii Wax is macaashsiisay
Maantiyo beriba aan sugnaan HadaL ku soo moosay.
dhamaad
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|