news@caynaba.com    
Top Sites


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

Suugaan
Hoyga Suugaanta
Aftahan
Farshaxan

Somaliland Links

Sanaag Web
Somalilandorg
Radio Somaliland
Hadhwanaag News
Somalilandtoday
Halgan News
Qarannews
Sooyaal News
Togdheer News
Somalilandnet
Somalilandfuture
Somalilandcenter
Somaliland Law
Iftin News
Golis News
Haatuf
Somalilandtalk
TV S/land Europe
Hargeysa News
Reddsea-Online
Waridaad
Garadag Online
Ceel-Afweyn
Tuuruus

SOPRI
Togdheer Sports
Somaliland Ed


Somali Links

Maxkamadaha
Wadanka News
Hornafrik News
Waaga Cusub
Shabelle.net
D a l k a

 
 

Silsilad Suugaameed
Gufaaco - M X Cabdulle
Gubtahanyo -M C Haldeeq

HA MALAYN
By: Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay"
1.Haldeeq 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5.Cartan 6.Mubarak
Gabaygan waxaa curiyey Mubaarik Mohamed Nur (qoorubaxay)- waxay jawaab u tahay tixdii ma guuraan ee Maxamed aw cali cartan,waxay Soo baxday,19/11/2006.

Murti hadalka laysugu xishiyo Tixo leh maahmaaho
Hadii Gabay mulaax lagu ogaa maydhax laga diirto
Ama maanso qiimayn lahayd Marisay taadiiye
Macnihiyo Ujeedadii adaan seegin marinkiiye
Ha yeeshee hadii lay mud muday waw mudh baxayaaye
Adna maxamed aw ina Calow maaxda iga tuuji

Bal inoo Mitami yaan dar kale miiladaw geline,
Aduunkii mareeg buu noqdiyo suuq magaalo ah
Mangooliya qof joogiyo hadii moosko lagu sheegayo
Nin kastaa masaladuu watuu dhan uga miistaaye,
Milgo caashaqeedii hadii Lagula soo maagay

Idinkoon Wax meel dhigan hadii miiga lagu qaaday
Hadii ay maraykaan tagtiyo dunida meel kaa fog
Haw Malayn muraadkii inuu kaa maroorsamaye
Haw Malayn magaabada kalgacal inay ku moogtaye
Haw Malayn in muxubada cishqigu maaran kaa tahaye

Iyadaba musuusuqa jacayl kama maqnaadeene
Ha Malayn inuu keli ku miray lama maleeyaane.
Wuxu yidhi macaan baa macaan lagu muhiibaaye
Kelmedii maroortaan Maraba dhalin masaawaade
Muxubiyo amaan bay habluhu madhax u leeyiine

Kaftan Maal maquunada haween waa ku male Wayne
Muuniyo wanaag bay rabaan Maalin iyo layle
Inkastoonad Mood moodka talo Maragu kaa hoosin,
Mahuraanka sheekada adaa meerisyow tolaye,
Masalooyin Adag baa jira milayga qaarkiiye,

Sidii ay malkada reer hindiya magane uga dhoofshay
Ma ku tidhi Milgoy waa jacayl muhashadiiye
Ma ku tidhi adaa lagugu muday Muxubadaydiiye
Ma ku tidhi marlay kale haween maaran baan ahaye
Ma ku tidhi cishqaa laygu maray waad i moogtahaye

Ma ku tidhi mabda’a aan watiyo maluhu waa guure
Ma ku tidhi dartaa baan manfaca ugaga maagaaye
Ma ku tidhi hadii mawd i helo melegu waa Kaaye
Ma ku tidhi hadaan kaa maqnahay waad i mirataaye
Ma ku tidhi marwooy hoo naftaba Magan u sii hayso,

Intaasoo Masala iyo daraan maanka lagu haynin
Hadii aad macbuud waa alle muran la’aan sheegtay
Oo ay Iyadu maya ku tidhi waa min faal jabaye,
Waxba yaanan maaweelo guud kugu mashquulsiine
Waxa Maanta aan odhanaya xaal munaasibahe
Mar shanaad ku quusoo hadii maluhu beenoobo

Mahuraanka caashaqa Haday kula macnayn Waydo,
Marbaa samirku kugu waajibaa Mahadis keenaaye
Oo aad waxaad maaganayd Kaba macaashtaaye
Midaad muuqa Dahab moodid oo magacna keedii leh

Milcsigana quruxdeeda tii lagu masaaalaayo
Magaalada burcaba waad ka heli Meel Adoon tegine
Intaan mudantidii reer tolkeed gole u maageero
Oo aan masaawaynta xidid ula muraadoono
Maxay Taasii kula tahay wakaa muhindiskaygiiye?


Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay"

Sweden.

 
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Xaawo Xusen Xandulle oo maamulka Majeerteeniya xaqdarro ku haysato

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Xeerkee dhigaya!

 

 

 


BUUG CUSUB

Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
More contents coming

Somaliland History

THE ISAQ SOMALI DIASPORA AND POLL-TAX AGITATION IN KENYA

"Memoir on the Western Edoor Tribes.." - By Lieutenant C.J. Cruttenden

Malao - Berbera as possible Capital of 'The Other Berberia' (Ancient Somaliland)

Postal and Monetary History of British Somaliland - By Marc Van Daele

Immigration and Emigration - South East Wales

A Seafaring Tale - By Isman Hassan Ali

Somaliland - Wikipedia


Taariikhda Saylac, Berbera iyo Sheekh

The First footsteps in East Africa; by Richard burton

The origin of Jabarti Somal

The Somali Ethnic Group and Clan System: By Jack L. Davies

Journal of Adventures in Somali Land; By John Hanning Speke

The Somali Community in the Port of London

Warqaddii Suldaan Cali Yuusuf u diray Filonardi.

Warqaddii Boqor Cisman ku baryayey  Filonardi


 
 

 
 
 


Caynaba News © 2005.