news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali news


Audio News
 

 
 



Baaqiinii Habarayooniseey waaba loo bogaye
Maxamed Xirsi Guuleed

Monday,  December 4th, 2006


Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed, waxaana lagu taageerayaa dhaqan gelinta shareecada islaamka ee beesha Habaryoonis kaga dhawaaqday magaalada Burco. 1dii december 2006 ayey soo saareen waxgarad kor u dhaafay 200 oo ruux oo uu hogaaminayey Suldaan Cismaan Suldaan Cali in ay beesha habaryoonis qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka. Haddaba waxa gabaygan lagu taageerayaa ma aha habka loogu dhawaaqay ee waa fikradda lagu dhiirraday Wuxuu soo baxay 03 dec 2006. Wuxu yidhi:

Baaqiinii Habaryooniseey waaba loo bogaye
Waa lagu bikaacsaday indhaha sida buluuglaydhe
Burco inad dhankiinii shiddeen balaf naloo keenye

Barigaanu sii eegaynee waad ka badiseene
Iyagana baxnaanada ilaa dhowr beraan sugiye
Waxse basaasta naga reebilayd taasoon been noqone

Budhka CiiseMuusaan rabaa inay la boodaane
Ciisuhu billaawaha ha lulo waa bilbilo khayre
Booramiyo Gadabuursi waa baro islaameede
Ha beernuglaadeen sharciga boodhka tumiddiisa
Beelaha Hargeysoow walle beeniraad malehe
Xeer baaniyaal idinka qaad biligi fiicnaaye
Waa waxay biyii uga gudheen beerihii herere
Culimadan buruudka leh kuwaa jooga baladkiina
U banneeya haydiin fureen baabka daalacane

Waxa beretan loo geli xaqqii layska baalmaraye
Beegsiga kitaab iyo sunnaa buur la soo dhigaye
Billad sharafta khayrka ah ninkaan baaqsanbaa heliye
Ha la boobo buunki u dhawaaq orod bilowgiiye


Maxamed Xirsi Guuleed
Axad 03-12-2006  

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.