Anigoo ah fahma cali waxayna ku darsanaysaa gabaydii
dhex marayey Maxamed Haldeeq
iyo Mubarak qoorubaxay ,Waxana la
yidhaahaa Ragu dumarka kama maarmi karo .
Sagaleey waloow aan mar hore
heesta kugu maagay
Oo aanan sheekadan masraxa
maad ka dhiganaynin Maaweelo waa wada rabnaa Maadi dheer tahaye
Ha yeeshee Muhiib taan ahayn
way masaxantaaye
Anigoo masaladaad dhigtay madasha soo gaadhay
Maqsuud baan ka joogaa sidaa
Manta uu yahay
Ha yeeshee mid wayn baa jirto
cidina moogayne
Dumarkii rag
kama maarmi karo waa u mahuraane
Raguna dumarka kama maarmi
karo Malin keligeed
Midigta iyo bidixbaynu nahay
laba mataanood
Muxibada jacaylkuna dad waa u
mara dhaam
Qofba Malin buu soo maraa
Madaxa goostaa
Nimankaa madluunkee cishqiga miranayee haysto
Intaynaan muducigaa iyaga
kiiska kuba moosin
Mid filkeena waa kuwaa
muhdaye dhebaya magacoode
Adigaa maraykaan ku nool
maxamed tiisiiye
Hadii Manta soo baafisoo doonto magaceeda
Marxab buu ku odhanlaa ninkaa
uu jacayl Miraye
Ma u raadin tuu calmaday waa
miduu rabaye
Mudanaha kalow adigu waad kala macnaysaaye
Sida aad u kala muujisey waa
ku soo maraye
Jacaylka macalinkiisaad tahee
adigu taad Mooday
Magaceeda uun baan maqliyo muxibo yaasmiine
Magaaladay ku nooshay bal
Sheeg meesha laga doono.
Bal mubaarigoow noo cadee
minanka ay joogto.
Fahma Cali
UK