Gabaygan madax daar waxa curiyay Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)
23.11.06 waxa uu gabaygani jawaab u yahay gabaygii uu tiriyay
Mubaarig Maxamed Nuur ee (KALA MIYO) waxa kale oo uu la dardaarmayaa
labada gabdhood ee ku soo biiray gabayada silsilada ah ee Sagal Cali
iyo Fahma Cali waana kan:-
Midho culus haasaawe
mudan, gabayo miisaaman
Hawraar miiran
masaal lagu kaftamo, ereyo meeqaaman
Mubaarigoow
murtidaad dhistaye, igu masaafaysay
Midhii helay
murtidii adkayd, muhindiskaagiiye
Kala miyo markaan
dhuuxay iyo arartii aad moostay
Macnaheedii waan
wada heliyo moholintaadiiye
Muduci iyo
maddaacalay amuur, laysku mari waayay
Markhaataa la
doonaa intaan, loo go`aan mudine
Talo murugtay
weeyee haddaan, madasha soo tuuro
Qofkastoo
maleeyiyo haddaan, madaxda gaadhsiiyo
Maanso yahanka
joogiyo haddaan, odayadoow meersho
mid kastoo wax
moorayn karoow, maqal dabuubtayda
Inantii muraayad
iyo hillaac, lagu masaalaayey
Inantii miliilica
jacayl, maanku iga raacay
Maamuuska inantii
lahayd, amase meehaaha
Inantaan
magaaliyo miyiba, uga dhax maansooday
Inantaan
mubaarigoow inbadan, madal ku haasoownay
Manfaca iyo
inantaan darteed, oonta uga maarmay
Muxubada inantaan
ogaa, muunadiyo nuurka
Masanuunin
teediyo sidoow, heli lahayn maanta
Bay su`aashu
maraysiyo sidee, baw mutuhinaaye
Mar hay odhan mid
kale tii ku door, meelna hay dumine
Mar hay odhan
milgo luul ka samir, tiiyoon mawd diline
Mar hay odhan
mareeg kale u dool, qabo maraykaane
Mar hay odhan
masuug haysku ridin, amase maadayse
Qof hadduu
malaariyo la dhaco, meeli belelayso
Kala miyo ma
fiicnee dawaa, lagu muquun shaaye
Kala miyo mar hay
odhan, talaan kaa miciin sadaye
Murka caashaq
macaan iyo qadhaadh, la isku maansheeyo
Mudanaha yaqaanaa
judhuu, marin u jeexaaye
Waar malaa waxay
madadaalin raba, ruuxaan soo marin
Gabayadii
macaanaa kolkaan, milicsadee dheehday
Tii mubaarig
murti bay ahayd, maayad qara wayne
Sagal marisay
meeris iyo haggoog, mug iyo hawraare
Fahma mawjadeedii
qalbiga, miridh ku saameeye
Madax daarka
sheekada anaa, hawl I mariseene
Masalooyin
kiiniyo tixuhu, way mudmudayaane
Halkii mililku
jiifay damqeen, arartii maaxnayde
Idinkoo malayn
iyo tashiga, illa miskeedaaya
Idinkoon I
madadaalinayn, iguna maagaynin
Idinkoon I
maaweelinayn, igana maadaysan
Idinkoon
jacaylkayga mudan, iga madiidaynin
Idinkoon I
maradhaaminayn, mudanta suugaanta
Idinkoon isuna
muuqanayn, isuna maahmaahin
Marxal iyo xal
baan goobayaa, manta ii seda e
Sidii aan u
maarayn lahayn igala maansooda.
Dhammaad.
Maxamed Aw Cali
Cartan (Haldeeq)
Hindiya
Haldeeq1@hotmail.com