Gabaygan la hidhaahdo ( MAGUURAAN) waxa curiyay Maxamed Aw Cali
Cartan(Haldeeq) 19.11.06 wuxuna jawaab u yahay gabayga uu soo
tiriyay Mubaarik Maxamed Nuur (Qoorubaxay) ee la yidhaahdo (
MUDUCIGA KALGACAL)waana kan gabaygii:-
Masaal gabay Mubaarigoow haddii, muhindis keenaayo
Adaa mariyay hawraar midaan, ruuxna madhinayne
Meeriskaad shareertiyo tixdaad, muunada u yeeshay
Way markhaati wayn iyo daliil, laga mafsuudaaye
Bal aan mariyo maantana mid kale, muhasho weeyaane
Maaga caashaq maguuraan kalgacl, waa I mayracaye
Milgadaan jeclaadiyo yartaan, mariyey heesteeda
Maansadii adkayd iyo yartaan, midho u heenseeyey
Anagoo magaalo iyo degaan, wada mushaaxayna
Anagoo malayn iyo gorfayn, meel u wada joogna
Ayaa caashaq maanace warkii, helay muhdiisiiye
Miig cas bay ku qaadeen cirkay, miridh ku geeyeene
Qof maraykan jooga iyo Hindiya, maandhe kala dheere
Mahuraan I caawima runtii, waa midaan rabaye
Markay noqoto caashaqa I miray, meel u dayidiisa
Anigu waan mulaaqnoo majiro, waxan maleeyaaye
Sidii aad u maarayn lahayd, mari dabuubteeda
Haddii xaal maroorsamo caqliga, waa la maraqshaaye
Waa la wada miskeedaa talaa, lagu min guurshaaye
Midi baad ku goysoo rayigu, waa midkaa qudha e
Meel kaloo murkucan baa jirtee, taana balaan meersho
Haddii maal ku xidhan yahay hantida, waynu marin layne
Boqol moodhikaar iyo horwayn, maahirtiyo geela
Adduun moodle baynu dhigi lahayn, miid la caashaqo e
Maad iyo waxaynu dhigi lahayn, mahadho waawayne
Hadday magac yidhaahdaan intii, hibadu maanshaysay
Odayaal magaaliyo suldaan, madaxda reerkeene
Maal qabeeno wadaad iyo ugaas, macalin kii diinta
Kunka mudan kunkow mudan, ayaan maanta kicinlayne
Milgoo laha heshiiyaa ka mudan, reero soo maride
Meelna ilama joogtoo cidlaan, mihindisoodaaye
Samadaan ku maqanahay siday, muna u qaadeene
Mahuraan I caawima runtii, waa midaan rabaye
Markay noqoto caashaqa I miray, meel u dayidiisa
Anigu waan mulaaqnoo majiro, waxan maleeyaaye
Sidii aad u maarayn lahayd, mari dabuubteeda
Magaynada is doortiyo gayaan, madal ku haasaawa
Laba wada mishaawiroo kalgacal, wada mataaneeyey
Labay kala maqiiqaan sidii, maqaska shaydaane
Mid bay gabadh ka qaadaan mid baa, loo marmariyaaye
Boqol bayla mida oo dadkani, waa melmelayaale
Mahuraan I caawima runtii, waa midaan rabaye
Markay noqoto caashaqa I miray, meel u dayidiisa
Anigu waan mulaaqnoo majiro, waxan maleeyaaye
Sidii aad u maarayn lahayd, mari dabuubteeda.
Dhamaad.
Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) Hindiya
Haldeeq1@hotmail.com
|