|
 |
|
Saturday,
October 14th, 2006 |
|
Gabadh
Reer Somaliland ah oo Qawlaysatada Putiland ay 5 sano ku
xukumeen | |
Xaawa Xusen Xandule oo ah haweeney dhalinyaro ah
oo reer Somaliland ah oo mudo haatan laga joogo sadex bilood
booqasho ku tagtay magaalada Bosaaso oo ay degan tahay walaasheed
ayaa lagu eedeyay in ay waday howlo shirqool ah oo ka dhan ah dadka
ku nool magaalada Bosaaso.
Waxana lagu eedeeyay in ay Somaliland soo dirtay.
Xaawa Xusen waxa loo taxaabay xabsiga magaalada Bosaaso ka dib
markii ay ciidanka magaaladu xabsiga u taxaabeen kuna soo eedeeyan
in ay howlahaasi waday waxana la soo taagay maxkmad ku taalada
magaalada Bosaaso ka dibna bishan bilowgeedii ayaa maxkamada
magaalada Bosaaso waxa ay ku xukuntay shan sano oo xadhiga.
Waxa kale oo Xaawa loo gaystay intii ay ku jirtay xabsiga magaalada
Bosaaso jidh dil aad u xun kaasi oo dadkii arkay ay sheegeen in ay
ka muuqdaan jidhkeeda dusheeda.
Xaawa
Xusen oo aan waxba galabsan waxa ay dadka ku nool magaalada Bosaaso
sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xukunka lagu riday maadama
ayay yidhaahdeen ZamZam loogu aargudaayo. Waxana ay sheegeen in
Xaawa la marsiiyo ayay yidhaahdeen wadadii la mariyay ZamZam.
Ehelada Muwaadinad Xaawa Xusen ayaa sheegay in ay aad uga warwarsan
yihiin xaalka ay ku sugan tahay inantoodu. Iyo waliba sida ay u
tahay qof aan dambi galin, waxanay sheegeen in ay dhowr jeer
arrintaasi kala hadleen masuuliyiinta sare ee Puntland xaalkooda
balse ay u sheegeen in ay ugu aarayaan ZamZam sidaasi daraadeedna ay
nin walba markii tahay.
Sidoo kale ururada Xuquuqal Insaanka ee magalada Bosaaso ayaan war
cad ka soo saarin sababta loo xidhay Xaawa Xusen Xandule iyo waliba
jidh dila loo gaystay,
Tan iyo markii ay soo baxday sheekada ah in Xaawa Xusen Xandule lagu
xidhay xabsiga magaalada Bosaaso waxa ay dadka ku nool magaalada
Hargeysa aad isha ugu hayeen bal halka uu maro xaalkeedu. Hasa
yeeshe waxa ay rajadu luntay markii lagu jidh dilay xabsiga
dhexdiisa iyo waliba xukunkaasi lagu riday.
wixii warara ee ku soo kordha xaalka muwaadinad Xaawa Xusen waxa aad
kala socon doontaan halkan, oo aanu si toosa idiinku soo gudbin
doono kolba wixii ku soo kordha
Source Golisnews.com
|
|
 |
Love Letters | |
Warqaddii
Suldaan Cali Yuusuf u diray Filonardi.
Koox ka mid ah ilaalada Yuusuf oo Isku xaaray.
Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii
Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
|