|
Guddoomiyaha
Golaha Shuurada Ee Maxkamadaha islaamka sh. Xasan daahir aweys oo
wareysi siinayey wargeyska sharqul awsad ee ka soo baxa dalka
ingiriiska ayaa ugu baaqay madaxeynaha dalka mareykana George W.
Bush in uu ka laabto qorsha uu wado ee ku aadan in uu qaado
cunaqabateyna hubka ee saaran dalka sooomaaliya.
Guuddoomiye sh. Xasan daahir aweys ayaa sheegay in dowladda
mareykanku ay
ku Fashilmay Howl-galkii rajo soo celinta soomaaliya 1993-dii ay haddana
mar labaad doonayso inay Dagaal sokeeye ka abaabusho dalka
soomaaliya iyadoo gadaal ka riixaysa ama u adeegsana saaxiibka ay
ku leedahay geeska afrika ee itoobiya.
Sheekh xasan
daahir Aweys waxa uu sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu Marin
habaabiyo aragtida caalamka Eek u Aadan Dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay
in bush uu damacsan yahay in uu dhameystiro qorshihii qabyada ahaa
ee uuuu aabihii kaga tagay dalka soomaaliya sanaddii 1993-dii ee
lagu doonayey in shacbiga soomaaliyeed loogu gacan galiyo dowladda
mareykanka.
Sh. Xasan
Daahir Aweys ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay beesha Caalamka
iyo golaha amaanka Ee qaramada midooobay inaanay qaadin xayiraadda
hubka Ee saaran dalka soomaaliya waxa uuna ka digay dhibaatada ka
dhalan karta haddi ciidamo shisheeye la keeno ciidda dalka
soomaaliya.
Guddoomiya
golaha shuurada Sheekh xasan Daahir Aweys waxa uu dhaleeceeyey
qorshaha ay wadaan wadamada mareykanka iyo Itoobiya kaas oo uu
shiikhu shegay in uu yahay mid sheydaan isagoo intaa raaciyey in
dowladdahaasi oo cadow ku ah jiritaanka dalka soomaaliya ay haataan
wadaan abaabul lagu dadajinayo dagaal ka dhaca dalka sooomaliya
islamarkkan sameeyn weyn ku yeesha geeska Afrik
Guddoomiyaha
golaha shuurada maxaakiimta Islaamka Soomaaliyed Ayaa Waxa Uu xusay
in Golaha Maxaakiimtu Aaney Raali ka Noqon Doonin in ciidamo
shisheeye la keeno Gudaha Dalka soomaaliya isagoo tilmaamay in ay
la gali doonaan jihad marka ugu hareeysa ee ay caga soo dhigan
ciidda soomaaliya..
Hadalka sh. Xasan Daahir Aweys
ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay wadamada ku bohoobay La
Dagaalanka Islaamka Ee uu mareykanku hormuudka U Yahay ay Galabta
ka Shirayaan Arrimaha dalka Soomaaliya Gaar Ahaan Cunaqabateynta
Hubka Ee saaran Dalka Soomaaliya.
Source:
http://www.midowgamaxkamadaha.com/
|