news@caynaba.com   Where news comes first  


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



Ciidamada aadka u tababaran ee MMI oo la dhoobay aagga hore

Tuesday,  November 28th, 2006

Muqdisho: Ifafaalaha colaadeed ee Ethiopia iyo Maraykanku ka hurinayaan Somalia ayaa marba marka ka danbaysa qarka u sii jirsanaya dagaal lagu hoobto oo saameeya geyiga bariga Afrika iyo Jaziiradda Carabtaba.

Ciidamada aadka u tababaran ee Shabaabka ayaa la soo dhoobay ilaha ugu muhiimsan ee difaaca dalka. Aagga Mudug oo sida la sheegay ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada cadawga ah iyo Mujaahidiinta MMI ayay gaadheen qayb ka mid ah shabaabku ka dib markii ay ciidamada Tigre-gu la wareegeen gacan ku haynta magaalada Gaalkacyo.

Ciidamdaas ayaa intooda badan loo dhaqaajiyey gobollada Shabeellada Hoose iyo Hiiraan oo ah meelaha ay Tigre-ga iyo huwanta dabada ka soo waddaa ay aadka u damacsan yihiin inay qabsadaan si ay marka horeba u kala gooyaan ciidamada baahsan ee maxaakiinta.

Garoonka Ballidoogle oo ay isha ku hayaan huwanta soo duushay ayay ciidamada Maxaakiimtu ku rakibeen gantaalaha lidka diyaaradaha iyagoo weliba halkaas geeyey ciidamada shabaabka ee ugu badan.


Dhiirranaanta Ethiopia ee wiigaggan dardarta gashay ayaa loo aanaynayaa iyagoo taageero buuxda iyo ballanqaadyo ka helay Maraykanka oo isaguna maraakiibtiisa dagaalka soo dhoobay xeebaha koonfureed ee Somalia si uu sirta ciidamada uga kaalmeeyo tigre-ga.
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.