  
|
 |
|
NEWS |
|
"Caalamku faraha ha kala
baxaan arrimaha Somalia" Sh. Aways |
|
Sunday,
November 26th, 2006 |
|
|
|
Mogadishu
- Gudoomiyaha Shuurada ee MMI, sheekh xasan Daahir Awey, ayaa ugu
baaqay beesha caalamka in ay faraha kala baxaan arimaha Somalia, oo
haatan u muuqda kuwo sii xumaanaya, ka dib markii kumanaan ka tirsan
ciidamada Ethiopoia ay gudaha u soo galeen Somalia.
Sheekh Aweys ayaa hadalkani siiyay ragga wararka fidiya ee magaalada
Muqdisho, isagoo sheekha uu ka codsaday beesha caalamka in fursad
loo siiyo Somalida in ay ka wada hadasho danaheeda iyo waliba
aayaheeda. Sheekh Aweys ayaa sidoo kale eedeyn kulul dusha uga
tuuray dowladda Ethiopia oo uu sheegay in ciidamadeeda ay dhaq
dhaqaaqyo ka wadaan gudaha dalka Somalia.
“ Hadaani nahay maxkamadaha islaamka, inagoo kaashaneyna shacabka
somaliyeed ayaanu iska difaaci doonaan weerarka ay ciidamada
Ethiopia ku soo qaadeen gudaha Somalia” ayuu yiri Sheekha. Sheekha
waxa uu ku eedeeyay dowladda Somalia in ay dalka soo galisay cadow
dhaawici kara qaranimada Somalia.
Hadalka Sheekha ayaa waxa uu ku soo beegmay saacado ka dib markii
shalay magaalada Muqdisho ay ku saxiixdeen heshiis ka kooban 6 qodob
xunaha Baarlamanka oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka iyo
maxkamadaha islaamka |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|