  
|
 |
|
News |
|
Ciidamada
Maxaakiimta oo la geliyey heegan kama dambays ah |
|
Sunday,
November 26th, 2006 |
|
|
Muqdisho: Ugu yaraan 20,000 oo ka mid Ciidamada joogtada ay iyo
maleeshiyaad deegaameed taageera oo ku filiqsan dhammaan deegaannada
ay ka taliyaan Maxaakiimtu ayaa la geliyey heegan kama dambays ah.
Tallaabadan ayaa ka danbaysay ka dib markii uu dagaal iclaamiyey
Ra'iisal wasaaraha Tigre-ga Melez Zenawi.
War aannu ka helnay ilo muhim ah oo ku dhowdhow Maxaakiimta ayaa
sheegaya in ay diyaariyeen ciidamadii dalka ka difaaci lahaa
xukuumadda Tigre-ga isagoo intaas ku daray inay kalsooni buuxda isku
qabaan niyaddoona bir tahay oo ay Eebbe talo saaranayaan.
"Nooma dardaar werin karo gaal dalkayaga gardarro ku haysta
waxaanuna ku kalsoonnahay inaannu jilbaha dhulka u dhigi doono,
haddii Eebbe idmo"
Mashaqadan cusub ee colaadeed ayaa cirka isku sii shareertay ka dib
markii uu Raysal Wasaaraha Tigre-gu baarlamaankiisa ka hor sheegay
inay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Maxaakiimta.
Khubarada ku xeeldheer arrimaha Millateri-ga ayaa intooda badani
isku raacay in dagaal ay ethiopia gasho ay colaad raagta ka
hurinayso gobolka Bariga Afrika iyadoo dad badani saadaaliyeen in
dagaalkan ay si buuxda uga faa'iidaysan doonaan qowmiyadaha
Xabashida iyo Oromada oo u beretamaya sidii ay Tigre-ga uga
takhallusi lahaayeen.
Tigre-ga Ethiopia ayaa lagu qiyaasaa inay dalkaas ka yihiin 5% halka
ay 40% yihiin Oromo, 20% kalena yihiin Amhara.
Kalsooni darrada Melez ayaa cad ka dib markuu toddobaadkan bilawgiis
ka takhallusay saraakhiisha ugu sarsaraysa ciidamadiisa kuwo badan
oo ka mida. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|