  
|
 |
|
Maxaakimta oo jawaab kulu ka bixiyay
hadalkii Melez |
|
Friday,
November 24th, 2006 |
|
|
Mogadishu: Midowga Maxaakiimta Islaamka ayaa jawaab aad u kulul ka
bixiyay hadalkii maalintii shalay uu sii daayey Melez Zenawi ee
sheegayay inuu dagaal la gelayo Maxaakiimta.
Shiikh
Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa`id qabtay ayaa ka jawaab bixiyay
hadalkii dagaal hurinta ahaa ee Melas Zenawi. Sheekh Shariif ayaa
sheegay inuu Zenawi dhameystiray qorshe dagaal oo uu ku damacsan
yahay in uu la galo maxaakimta islaamka wuxuuna sheegay inay
dhankooda diyaar u yihiin dagaal foodda la is daro haddii laga
maarmi waayo oo ciidamada Ethiopia ay sii joogaan dalka Somalia.
Wuxuu Sheekhu sheegay inaanay gacanta laaban doonin dagaal ay
Amxaaradu ka huriso gudaha Somalia ayna la jihaadayaan.
Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi Cadaawadda Ethiopia iyo
annaga waa mid ab soo jireen ah waxayna sii xoogeysatay markii
Maxaakimta Islaamku ay is beddalka ka sameeyeen magaalada Muqdisho
Dawanka colaadeed ee Melez Zenawi ayaa u muuqda qorshe guud oo la
damacsan yahay in lagu wiiqo Maxaakiimta. Maraykanka oo "Welfare"
siiya Ethiopia ayaad mooddaa inuu tallaabadan Ethiopia ku taageersan
yahay ka dib markuu caddeeyey inuu aaminsan yahay in qayb ahaan
xayiraadda hubka laga qaado Somalia. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|