  
|
 |
|
Maraykanka
oo soo dhaweyey ciidamo la geeyo Somalia. |
|
Thursday,
November 23rd, 2006 |
|
|
Mogadishu: Dawladda Maraykanka ayaa taageertay qorshaha Midowga
Afrika iyo IGAD ay ku doonayaan in ciidamo ay ku soo galiyaan dalka
Somalia si ay u caawiyaan Dagaal-ooge C/laahi Yuusuf, xilli
golaha maxkamadaha ay ku dhawaaqeen jihaad ka dhan ah ciidamadaasi.
Waaxda amuuraha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dhowaan
Golaha Ammaanku uu ka fadhiisan doono arimaha ciidamo keenista
Somalia, isl amarkaana Mareykanka uu taageerayo qorshahaasi.
Afhayeenkaas oo lagu magacaabo Tom Kasey ayaa ragga wararka fidiya u
sheegay in dowlada Mareykanka ay soo dhaweyneyso qorshaha midowga
Afrika iyo IGAD ay nabad kaga islaaxinayaan gudaha Somalia, waa
hadii ay ciidamada ay u dirayaan ay noqdaan kuwo wax tar leh.
Ururka Midowga Afrika iyo IGAD ayaa isku raacay in ciidamo si deg
deg ah loogu diro Somalia, iyadoo qaraar arinkaasi ku aadan ay u
gudbiyeen Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa si ay u ansixiso.
Midowga Maxkamadaha Islaamka ee inta badan maamula gobolada
Koonfurta iyo badhtamaha Somalia ayaa si weyn uga biyo diidsan
arinkaasi, iyagoo sheegay in ay jihaad la galayaan askari kasta oo
la keeno Somalia.
Hadaba taageerida dowlada Mareykanka ee ah in ciidamo shisheeye la
keeno Somalia ayaa ah mid sii wiiqeysa rajada laga qabo heshiis ay
gaaraan maxkmaadaha islaamka iyo dowladda KMG ah ee Somalia
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|