|
(Hargeysa):- Mudane Faysal Cali Waraabe,
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID oo ka qayb galaya xaflad
lagu dhiirri gelinayey dadka la hayb sooco ayaa ka hadlay arrimaha
xuduudda Somaliland.
Mudan Waraabe
ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo cadaw Somaliland
kaga soo wajahan dhanka bariga. Guddoomiyuhu wuxuu ku nuux nuuxsaday
baahida loo qabo in dalkan dhulkiisii qaar la haysto loo baahan
yahay inuu tallaabo qaado intaan dhibaatadu inta kaga sii badan.
“... Laas-Caanood hadaynaan tagin waxay noqonaysaa God laynaga
Dilo, Ninka C/laahi yuusuf ee Beerta sameystay laascaanood ayuu
imanayaa labada jeerba, markaa waa inaynu tagnaa laascaanood inta
aan la iman tagnaa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha oo ka hadlayey Maxaakiimta ayaa yidhi "..Innagii
taageernay markay inoo gabyeen, ee Xasan Turki inoo dhaartay ayaa
ilaahay iyagana wareemay“. Ilaahay ha u sahlo indhihii aduunka ayey
isku soo jeediyeen oo ilaa waxa la marinaya Uranium ayaa laga
qadabayaa oo ay Iran hub ka sameysanaysaa” |