  
|
 |
|
Taliska Tigre-ga oo eryay saraakiil
saresare |
|
Monday,
November 20th, 2006 |
|
|
|
(Addis
Abeba): Keligii taliye Melez Zenawi ayaa eryay 3 Generaal oo ka
tirsan ciidankiisa. Melez ayaa cabsi xooggani kala soo deristay
saraakiishiisa ciidamada lugta iyo cirka isagoo ka cabsi qaba in
talada farihiisa laga maroorsado. Saraakiisha sar sare ee ciidamada
ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafayba u baxsanayey dhanka Eritrea
iyo deegaannada ay ka taliyaan jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF.
Saraakiisha uu eryay Melez waxay kala yihiin.
1. Sareeye Gaas ALmesher Degfe oo ka tirsan Ciidanka Cirka
2. Sareeye Guuto Kumera Assefa
3. Iyo Sarreeye Guuto Asamenew Tsgie oo labadan danbe ka tirsan
yihiin ciidamada lugta ee taliska Tigre-ga.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca ayaan wax faahfaahina ka bixin
arrintaas. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu Melez ku sugan
yahay waddanka Belguim-ka oo uu martiqaad ka helay EU, wuxuu
halkaa kala kulmay mudaaharaaddo lagaga soo horjeedo dhibka uu ku
hayo dadka iyo dalka Ethiopia.
Hore
waxa u baxsaday Sarreeye Guuto Kemal Geltu (sawirka) oo dhanka
Eritrea ula baxsaday 100 ciidankiisa ka mid ah. Sarkaalkaani wuxuu
isagu ka soo jeeday qoomiyadda Oromada oo 40% ka ah tirada dadka ee
Ethiopia. Saraakiil kale oo Oromo ah ayaa iyana ka baxsatay
ciidamada Melez Zenawi.
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii
Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
|