news@caynaba.com    
Top Sites


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

Suugaan
Hoyga Suugaanta
Aftahan
Farshaxan

Somaliland Links

Sanaag Web
Somalilandorg
Radio Somaliland
Hadhwanaag News
Somalilandtoday
Halgan News
Qarannews
Sooyaal News
Togdheer News
Somalilandnet
Somalilandfuture
Somalilandcenter
Somaliland Law
Iftin News
Golis News
Haatuf
Somalilandtalk
TV S/land Europe
Hargeysa News
Reddsea-Online
Waridaad
Garadag Online
Ceel-Afweyn
Tuuruus

SOPRI
Togdheer Sports
Somaliland Ed


Somali Links

Maxkamadaha
Wadanka News
Hornafrik News
Waaga Cusub
Shabelle.net
D a l k a

 
 

Silsilad Suugaameed
Gufaaco - M X Cabdulle
Gubtahanyo -M C Haldeeq

Qaadisiya.com waa Maxkamada ceebays

Sunday, November 12th, 2006

MMI waxay lee yihiin Mareeg"website" afkooda ku hadasha oo ah http://www.midowgamaxkamadaha.com/. Halka Qaadisiya.com tahay nud ay lee yihiin shakhsiyaad fudayd badan oo taageera MMI.

Qaadisiya.com oo isu ekaysiisa inay ku hadasho afka Maxaakiimta Islaamiga ee Somalia ayaa beryahan danbe isu beddeshay meel lagu dhantaalo xoogga Islaamka oo dadka lagu nacsiinayo. Mareegtani waxay dhawaanahan ku caanbaxday dacaayado u badan been abuur iyo buunbuunin oo wax u dhimay wixii shabakaddaasi sumcad la soo shir tageen.

Nuddaas la yidhaahdo Qaadisiya oo ay qoraan niman caadifiyiin ah oo aan kala aqoon nacabka iyo nasteexa MMI ayaa caadaystay been abuurka iyo dacaayadaha ay ka fidiyaan Somaliland oo ay ugu danbeysey mid ay qoreen bisha November ahayd 9, taasoo sheegaysay in waxay ugu yeedheen "Maamulka la baxay Somaliland" ay gubeen ruux islaam ah oo ka mida beelaha la hayb sooco. Arrintan oo looga gollee yahay in lagu wiiqo sumcadda iyo sharafta Soomaaliland isla markaana shaki iyo xumaan loo kala dhex gelinayo MMI & shacabka Somaliland ayaa ah mid aan laga fiirsan ayna ku ceebowday bog ay ku xardhan yihiin kelmadihii Alle (swt).

Waayadan danbeba nuddaas Qaadisiya.com waxay beddeshay bogaggii Putiland ee u foognaan jiray dacaayadda iyo ka been abuurka Soomaaliland ayagoo ay mareegtaasi lumisay fursad dahabi ah oo ay isugu soo dhoweyn lahayd MMI iyo shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ah meel walba oo ay joogaan.

MMI oo guulihii ay gaadheen taageero buuxda kaga helay shacabka Somaliland ayay xiisihii ay u qabeen kacdoonkan MMI loogu beddelay dacaayado been abuur ah, aflagaaddo iyo hanjabaad aanay cidna ka galabsan. Qaadisiya oo ka been sheegta inay tahay afka Maxaakiimta iyo shakhsiyaad xun xun oo ay ka mid yihiin Turki iyo buraanburka joogtada ah ee Bacadle ayaa dad badan oo Somaliland u dhashay oo islaamka jecel ku abuuray shaki weyn.

Qaadisiya waxay ku sharraxatay wejiga hore ee boggeeda, dacaayado ay soo ammaamudday radio Laasciil oo sheegay jidh dil lagula kacay muwaaddin reer Somaliland ah. Waxay Qaadisiya.com ku dhacday qonof ay u dhigeen niman reer Putiland ah oo doonaya sidii ay MMI isaga hor imaan lahaayeen shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed.

Qaadisiya waxay kaloo ku caanbaxday been abuur iyo Tafaakhur aay u qabiix ah oo ay ka mid ahayd falalkii Bu'aale oo ay si Qayru-sharci ah u buunbuuninayeen sidii ay yihiin anbiyo loo soo waxyoodo.

Waxay nimankani faafiyeen been ay sheegeen in la qabtay Colonel Fartaag oo ka mid ahaa ciidamadii dagaal-ooge Barre Hiiraale ee Bu'aale looga adkaaday. Waxay nimankaasi maalintii taas xigtay sheegeen in saraakiil sarsare oo MMI ka tirsani u xaqiijiyeen geerida Colonel Fartaag taas oo beenowday ka dib markii uu Sarkaalkaasi ka hadlay Baardheere isla maalintaas.

Siyaasad xumida Qaadisiya.com waxa ka mid ah dacaayado aan loo baahnayn oo ay ku hayaan Maraykanka iyo Bush kaasoo islaamka gelin karta dhibaato aan loo baahnayn, sawir khaldanna ka bixin karta hadafka Islaamiyiinta, cadawga islaamkana tusaysa Maxaakiimta Islaamka. Nin Islaami ma jecla Maraykanka siyaasadihiisa laakiin looma baahna in Maxaakiimta loo abuuro 100 cadow si loo demiyo nuurka Alle.

Waxaannu Maxaakiimta uga digaynaa inay iska fogeeyaan shakhsiyaadka ama kooxaha magacooda ku shaqaysanaya ee sumcad xumada u soo jiidaya. Shacabka Somaliland waa kuwo jecele diintooda, mana aha kuwo necba MMI ee yaan la nacsiin.
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Xaawo Xusen Xandulle oo maamulka Majeerteeniya xaqdarro ku haysato

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Xeerkee dhigaya!

 

 

 


BUUG CUSUB

Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
More contents coming

Somaliland History

THE ISAQ SOMALI DIASPORA AND POLL-TAX AGITATION IN KENYA

"Memoir on the Western Edoor Tribes.." - By Lieutenant C.J. Cruttenden

Malao - Berbera as possible Capital of 'The Other Berberia' (Ancient Somaliland)

Postal and Monetary History of British Somaliland - By Marc Van Daele

Immigration and Emigration - South East Wales

A Seafaring Tale - By Isman Hassan Ali

Somaliland - Wikipedia


Taariikhda Saylac, Berbera iyo Sheekh

The First footsteps in East Africa; by Richard burton

The origin of Jabarti Somal

The Somali Ethnic Group and Clan System: By Jack L. Davies

Journal of Adventures in Somali Land; By John Hanning Speke

The Somali Community in the Port of London

Warqaddii Suldaan Cali Yuusuf u diray Filonardi.

Warqaddii Boqor Cisman ku baryayey  Filonardi


 
 

 
 
 


Caynaba News © 2005.