Caynaba News Network

Source: Sooyaal.com

WASIIRKII DUULISTA IYO HAWADA OO IS CASILAY!!!
 

Wasiirkii Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Abiib Diiriye Nuur(Timacad), ayaa iska casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Sidaa waxa uu Md. Abiib Timacad ku cadeeyay Warsaxaafadeed uu soo saaray Axadan Maanta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hargeysa News.

Md. Abiib, waxa uu warqadiisa uu Madaxweynaha u diray ku sheegay in muddooyinkan dambe aanay Xaaladiisa Caafimaad fiicanayn, “Waxa kale oo aan doonayaa inaan kula socodsiiyo in sida haatan aad wax u wado ama ka muuqata maamulkaaga aan saluugsanahay taas oo aan ka cabsi qabo inay caafimaadkayga wax u sii dhinto” ayuu warqadiisa ku yidhi Abiib Timacad, waxaanu intaas ku daray, “Mudane Madaxweyne waxa aynu labadeenuba muddo ka wada shaqaynaynay danta guud ee umadda aniga oo aaminsan in ururka UDUB uu noqdo hormuudka hogaaminta iyo horumarka bulshada Reer Somaliland. Waxaan aaminsanahay in habkii ama qaabkii aad u maamushay xulistii Golaha Wakiilada UDUB ee bishan Jully 2005 uu meel ka dhac ku yahay guud ahaanba ururka. Taasi oo sida aan u arko soo koobtay rajadii uu ururku ku lahaa hoggaaminta bulshoweynta reer Somaliland”

Md. Abiib Timacad waxa uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu si meel ka dhac ah kursiga Madaxweynenimo uu u dhex galay xulashadii Murashixiinta golaha Wakiilada ee UDUB, “waxa xaqiiqo ah inaad si aan haboonayn oo meel ka dhac ku ah kursiga aad ku fadhido aad u soo dhex gashay xulashadii murashixiinta Golaha Wakiilada ee UDUB. Waxa dhacday in aad rag ka mid ah raggii la soo xulay oo aad horena u ogayd habka ay ku yimaadeen aad ku bedeshay rag aad jeebka ku sidato adigu. Taas oo ka hor imanaysa cadaaladda aad madaxda ka tahay. Taas oo keentay in beelo badan oo xisbiga UDUB taageeri jiray ay kala noqdaan kalsoonidii. Isla markaana waata keentay ama dhaxalsiisay xisbigii iyo xukuumadiiba inay noqdaan hal bacaad lagu lisay.” Ayuu yidhi Md. Abiib Timacad, waxaanu hadalkiisa ku soo xidhay, “Sidaas darteed, Mudane Madaxweyne mar haddii rajadii xisbiga UDUB inuu hanto kaalintii doorasho ee aynu ka filaynay aanay ii muqan, waxaan go’aansaday inaan iska casilo shaqadii aan u hayay dawladda aad madaxda ka tahay adiguna aad sidaa igaga aqbasho”

Wasiirka Duulista iyo Hawada ee xilka iska casilay ayaa lagu tirin jiray inuu ka mid ahaa Saaxiibada gaarka ah ee Madaxweyne Rayaale ku lahaa Golihiisa Wasiirada, waxase muddooyinkan dambe jiray dareeno iftiminayay inaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan in Madaxweynuhu aqbalay iscasilaadda Wasiirkiisa iyo in kale.

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo