December 15, 2007
Baydhaba oo qarax loogu geystay ciidamada Tigre-ga ee xasuuqa ka wada Soomaaliya.

Kolanyo Tigre ah ayaa saaka qarax xooggan loogu geystay gudaha magaalada Baydhaba. Qaraxan oo ahaa kuwa meesha dheer laga hago ayay ku halaagsameen tiro ka mid ah ceedhin-quutayaasha cadawga Ethiopia.

Baydhaba oo ahayd magaaladii uu taliska Tigre-gu ka bilaabay gulufkii cadawtinimada ahaa ee Somalia lagu qabsaday ayay waayadan danbe ku soo badanayeen qaraxyada noocaani oo kale ah.

Magaalada Baydhaba ayaa hadda laga nacay Tigre-ga iyo kalkaaliyayaashooda ayadoo waayadan danbe ay maleeshiyo beeleedka reer Puntland ay ka wadeen tacaddiyo ka dhan ah beelaha deegaanka u dhashay.

Rabshadaha ka dhanka ah Ethiopian-ka ayaa ku sii fidaya gobollo badan oo dalka ka mid ah halka ay caasimadda Muqdishona ay maalinba maalinta ka danbaysa faraha cadawga uga sii baxayso.