December 15, 2007

Laascaanood yaa qabsaday, yaase laga qabsaday?

In badan ayaynu maqalnaa baroordiiq iyo tola'ayeey ka soo yeedhaysa qaar ka mid ah bulshada deegaanka Sool oo ay hormuud u yihiin dhawr Garaad oo sheegta inay metelaan deegaanka lagu hardamayo ee Sool. Haddaba si aynu u iftiiminno beenta iyo "propagand-aha" ay wadaan dadka aan kor ku xusnay ayaa igu kellifey inaan keeno su'aasha isweydiinta mudan ee dulucdaydu daarran tahay.

Laba bilood ka hor ayay ahayd markii maleeshiyo beeleed xoogleh oo u dhashay deegaanka magaalada Laascaanood oo kaashanaya ciidamada Qaranka ee Soomaaliland ay la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas. Labada reer ee deegaanka la wareegay oo kala ah Bahararsame iyo Jaamac Siyaad ayaa ah kuwa iyagu deegaan ahaan u leh magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood. Waa duni aakhiru sabaan ee goormuu Garaad Saleebaan oo ka soo jeeda beelaha ugu yar Dhulbahante isla markaana aan deegaan ahaan u dhalan Laascaanood uu raggii dhoobada Laascaanood iska lahaa ugu maleeyaa qolyo dhul kale ka soo dhuyaalay. Garaadkan oo sheegta inuu madax dhaqameed u yahay Ina Saleebaan Daflihii Afweyne soddoggiisa ahaa iyo xayn yar oo kale oo Maxamuud Ugaadhyahan lagu magacaabo ayaa meel walba la taagan Laascaanood waxa qabsaday Dir Woqooyi iyo laba caadaqaate oo u adeegta!!!

Cadka boqorki nimankii lahaa calalin maayaane
Bal cibaaradaa daya nabsiga looma caal helo'e.


Bal nimanyohow daya beeshii Dhulbahante u mudnayd ee Bahararsame oo caadaqaatayaal la qoray iyo Jaamac Siyaadkii ka midka ahaa ragga Dhulbahante ugu waranka kulul oo midiidin Iidoor lagu shaanbadeeyey oo ay weliba intay ku dulqaateen ku aamusan yihiin.

Sunta Halaqa laga waalan jirey saaka laga waayey
Iyo Mulaca Saaruukha koray waad la socotaan
e.

Toloow magaalada haddii la gubo ama lagaba saaro beelihii aayaheeda iyo taladeedaba lahaa yaa lala doonayaa ma Xaamud Ugaas iyo uufannaa kale, mise waxay talo ku goosteen inay raggii magaalada lahaa ka cidhib tiraan oo Ciise Riyoole iyo Idigfaacle soo dejiyaan.

Gebagebadii, marka ay runi run timaaddo, Dhulabahante arbayaashiisii (sida Cali Geri, Jaamac Siad, Bahararsame) waxay ku tashadeen inay Somaliland wax la qaybsadaan  lagamana yaabo in ay Maxamuud Ugaadhyahan, Nuur Axmed iyo Ugaasyadu ay sanka ka tolaan doonista raggii talada Dhulbahante lahaa.

Kuwa buunka colaadeed buufinaya ee Laascaanood baa guban ku tashanayoow yay tuuladaadu guban Majeerteen cududdaada oo naafata mooyee cidla kaa hoyn maayee.

Doxoryohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
Derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa!

Inkastoo aan dhalashada la diidayn misna ninka Majeerteen tolnimo ugu rixinayaa waa nin aan aqoon u lahayne waa la arki doonaa qolada uu habaarkii Majeerteen ku buuxsamo markay lahaayeen;

Ilaahay Dhulbahantoow muxuu noola kiin dhaliyey
Dhubad iga yaraayoow maxaan kuu dhadhiinsanayey
Dhuuxii adoogeen haddaan habari dhaandhaamin
Amaan hooyadiin dhega adkayn nama dhasiigteene
Isku dhiig inaan nahay waxbaa noogu kiin dhimane
Ilaahii dhammays idinka dhigay haydin buux dhimo'e

Dhinbiilii Hurgumo maansadaan hore u soo dhiibey
War i dhaafsanaa iyo Qurjiga cadho dhag siisaaba
Maangaab dharaartaan lahaa waydin dhaagsadaye.

Nin noloshaadaba dafirsan oo ka xun jiritaankaaga, waa caaqnimo haddaad walaalnimo aanu isba kuugu jiir nixin aad u sacab garaacdo, talona waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaadhi weydo'e yaan la is canaanan diyaarna ha loo ahaado dhabadda colaadeed ee la dhuftay iyo wanaagga iyo waanada la iska dhega maray ee laga dhaqaaqay.