|
Laascaanood
: Guluf colaadeed oo ku soo aaddan deegaanka
Sool (12.15.2007)
Sida ay Caynaba News ka
heleyso ilo xogogaal ah waxa maalmaha dhow ku
soo fool leh Gobolka sool ciidammo huwan ah oo
muddo bil iyo badh ah lagu ururinayey goobo ka
mid ah gobollada Nugaal, Bari iyo Woqooyiga
Mudug. Ciidammadan ku soo wajahan Sool ayaa
dabayaaqadii bishii November waxa dhawr goobood
ka mid ah gobollada Puntland uga degey saanad
millateri oo aad u xoog leh.
Gobolka Nugaal iyo koonfurta Sool ayaa hadda la
ciirciiraysa maleeshiyo biirebiire ah oo la
isaga keenay gobollo dhawr ah iyo Kililka 5 aad
ee Ethiopia. Ciidamadan oo sida la sheegayo kor
u dhaafay 2800 oo maleeshiyo ayaa laga soo
ururiyey meelo badan ka dib markii Garaaddada
iyo waxgaradka beelihii Dhulbahante ee looga
itaal roonaaday Laascaanood ay qaylo-dhaan xoog
leh u direen wax ay ugu yeedheen beelweynta "Daarood".
Ciidamadan sida la soo werinayo waxay ka kooban
yihiin qiyaastii sidatan.
Beelaha Dhulbahante 830 Maleeshiyo
Beesha Majeerteen 390 -//-
Beesha Warsangali 153 -//-
Jabhadda ONLF 280 -//-
Ugaadeenka kale 350 -//-
Beesha Wagardhac 130 -//-
Askarta DFKM 220 -//-
C/mada D/wiishta PL 470 -//-
_______________________
Wadarta 2823
Maleeshiyo
Ciidamadan oo sida wararku sheegayaan loo kala
qaybshey dhawr aag oo uu ugu xoog badan yahay
kan Laascaanood oo la doonayo in guluf xoog leh
lagu qaado. Waxa wararku intaas ku darayaan in
ciidankani weerarkiisa ku ballaadhin doono qaybo
badan oo ka mid ah gobolka Sanaag iyo deegaanka
Buuhoodle iyagoo kaashanaya dad deegaanka ah
ugana dan leh in lagu kala dhantaalo awoodda
ciidamada qaranka ee fadhida daafaha caasimadda
gobolka Sool ee Laascaanood.
Maleeshiyadan qayla dhaanta iyo "Tolla'ayeeyda"
lagu soo ururshey waxay, sida ay sheegeen,
beegsanayaan kuna naaloonayaan inay gaadhaan
deegaanka Caynaba.
Sida uu noo sheegay sarkaal sare oo ka tirsan
ciidamada Qaranka ayuu ku sheegay in ay aad ula
socdaan abaabulka ka socda Garoowe iyo ciidamada
la soo dhoobay deegaanno badan oo ay ka mid
yihiin TUkaraq, Ganbadhe, Xuddun, Xiingalool,
iyo deegaanno ka tirsan Buuhoodle.
Si kastaba ha ahaatee waxaad mooddaa in hadafkii
Majeerteen ee ahaa inay Laascaanood gubaan uu u
rumoobayo iyagoo sida la sheegay cashar ugu
dhigaya beelaha deegaanka Laascaanood ee
Bahararsame iyo Jaamac Siyaad oo iyagoo
kaashanaya Ciidamada Qaranka Somaliland la
wareegay magaalada Laascaanood bishii Oktoobar
ee sannadkan. Dagaalkan ayaa sida la
saadaalinayo noqonayo kii lagu kala nasan lahaa
oo hadba qoladii itaal roonaataa u hadhayso
deegaanka lagu hardamayo ee koonfurta Sool. |