December 16, 2007

Muqdisho: Ciidamada Xoraynta oo muddo kooban la wareegay Saldhigga Waaberi & Amxaaro halkaa lagu wanjalay

Kooxaha wax-iska-caabinta ayaa muddo saacado ah haystay saldhigga Waaberi ee Muqdisho iyadoo ay kala firxadeen maleeshiyo beeleed meesha la lagu ururiyey. Ciidamo ka kooban illaa 80 mujaahid ayaa si dhibyar ula wareegay saldhiggaas dad halkaa ku xidhnaana oodda ka qaaday. Wararku waxay intaas ku darayaan isla xaafadda Waaberi in qarax miino oo lagu halaajiyey Tigre-ga uu ka dhacay halkaasi kaasoo galaaftay tiro badan oo ka mid ah maleeshiyada Tigre-ga.

Ciidamada xoraynta ayaa si badheedh ah waqtiga ay doonaan hawlgallo uga fuliya dhammaan 17-ka xaafadood ee ay ka kooban tahay magaala madaxda muqdisho taasoo muujinaysa inay iyagu gacanta sare leeyihiin.

Dhanka kale Taangiyadii xabashidu ku taami jirtey ayaa dhuumaalaysi ku jira oo aan dhufaysyadooda ka soo bixin dhawr beri ka dib markay ka war heleen shixnad qoryaha lidka Taangiga ah.