Mogadishu:
Xildhibanada Barlamanka Somalia ee ku sugan magaalada Muqdisho
ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen ku soo bandhigeen qariidad
muujineysa in Ethiopia ay isku balaarineyso dhulka Somalia oo
laga helay xafiiska Ra'isulwasaaraha Somalia Cali Max'ed Gheedi.
Qariidaddan cusub ayaa gebi ahaanba laga laga tiray xuduudda
sharciga ah ee dhex marta labada dal ee Ethiopia iyo Soomaaliya
taasoo muujinaysa hadafka durugsan ee Melez Zenawi uu ka lee
yahay mustaqbalka dalka Somalia.
Qariidaddan
waxaad mooddaa mid laga soo minguuriyey sidii Yuhuuddu u
qabsatay dhulka Palastine ee ay illaa maanta u xalaashatay
iyadoo ugu marmarsiinyootay waxyaabo la mid ah hadallada ay
maanta ku hadaaqdo xukuumadda Tigre-ga ah. Hadafka ay xanbaarsan
tahay khariidaddan laga helay xafiiska Ra'iisal Wasaare ku
sheegga ayaa ah mid khatartiisa leh oo haddii, sida Israel, ay
Maraykanku la qabaan noqonaysa mid Somalia ka dhigaysa sida West
Bank iyo Gaza oo Ethiopia ku xalaashanayso Somalia.
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo kulankaasi ka dib saxaafadda
la hadlayey ayaa sheegay in Cali Maxamed Geedi iyo xukuumadda
Tigreega ay heshiis ku gaareen in gabi ahaanba la burburiyo
dalka soomaaliya iyagoo tilmaamay inay sirtan culus ka heleen
ilo muhiim ah oo aanay magacaabin sabab ammaanka xaggiisa ah
awgood.
Xildhibaanka Cabdala Xaaji Cali waxa uu xusay in sirtan Culus
laga helay Xafiiiska Cali Maxamed Geeddi,islamarkaana ay ku
heshiiiyeen in ay baddalaan Qariiidadda Dalka Soomaaliya ,taasooo
ay cadowgu ku doonayaan in ay Gumeysi Cusub u horseedaan Dalka
Soomaaliya.
Xildhibaan
Cabdala
Xaaji Cali ayaa uga digay
Shacabka Soomaaliyeed Shirqoolkaan cusub ee ay dalka la
damacsanyihin cadowga, isagoo tilmaamay in qariidaddaan ay qeyb
ka tahay shirqoolada ay wadaan dawladda DFKM iyo maamulka
Tigreega.
Sirtaan laga Helay Xafiiska Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa sidoo
kale ay xildhibaanada soo bandhigeen in maamulka tigreega iyo
xukuumadda iskusheega uu hogaamiyo Cali Maxamed Geedi ay ku
heshiiyeen in Gabi ahaanba dalka sooomaaliya loo gacan geliyo
maamulka tigreega ee uu hogaamiyo Meles Zenaawi.
Arrintaan ayaa waxa ay ku tuseysaa sida dowlad isku sheegga ay
horkacaan khaayimiinta C/laahi Yuusuf iyo Geeddi ay u doonayaan
in ay dalka u majaxaabiyaan, islamarkaana ay gacanta u galiyaan
xukuumadda tigreega ee Melez Zenawi oo ay u awrkiraaleeyaan.