news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Maxkamaduhu khatar kuma aha S/land, balse waxaa khatar ku ah Empagati iyo Ethiopia
Qalinkii Ahmed Nur Fahiye

Sunday,  December 17th, 2006

 Waxaa in lala yaabo mudan hadalka ka soo yeedhay wasiirka arimaha debeda ee xukuumada ethiopia kaasoo uu ku sheegay waa siduu hadalka u dhigaye khatar somaliland kaga soo fool leh wuxuu ugu yeedhay argagixiso. taasoo uu ula jeedo maxaakiimta somaliya. sida lawada ogsoon ilaa iyo waqtigii ay somaliland ka goosatey somaliya inteeda kale waxay heshiisyo dhalanteed ah kula jirtey xukuumada tigreegu leeyihiin ee ka dhisan dalka etheopia. Taasoo keentey inay somaliland ka go,doonto siyaasadaha caalamiga ah, siiba duwalka aynu wadaagno wadadhalashada, diinta, ganacsiga ee ku xeeran mandaqada bada cas, kuwaasoo strategy u ah dan kasta oo somalilnd aduunka ka leedahay.

Hadaba su,aasha iswaydiinta mudani waxay tahay, inagoo og inaan Itoobiya aqoonsanayn wax somaliland layiraahdo, waligeedna aan wax inooga tarin siyaasadaha caalamiga ah, Maxaa ku kaliifey maanta inay tidhaahdo khatar ayaa somaliland ku soo fool leh? Su,aashaas jawaabteedu waa wax iska faahin ah, waana dhawr sababood.

kow, inay somaliland ka dhigato gaashaan ay kaga hortagto maxaakiimta, si, aanu u wiiqmin karasaygan(ina yuusuf yey) iyo xamladiisa Baydhaba fadhida, iyadana(itoobiya) aanu ugu iman bur-bur ijtimaaciya iyo mid dhaqaale toona.

Tan labaad, Itoobiya waxay doonaysaa in somaliland ku milanto somaliya oo ay abuurmaan faraqyo siyaasadeed oo sababi kara colaad ka hurta somaliland. Waxay wadaa qorshe odhanaya somaliland halaga abuuuro xaalad deganaansho la,aan ah si loo kala daadiyo awoodan keliya ee meesha ka jirta si ay ugu sahlanaato danaheeda geesku.

Ta sadexaad, Itoobiya waxay qorshaynaysaa inay qabsato dhul cusub oo waliba ah dhulxeebeedka.hadii taasi qariib idinku noqoto waxaad odoros iyo analayze ku sameysaan siyaasada itoobiya ee gebi ahaanba dalkii somaliya laysku odhan jirey, waxaad arkaysaa itoobiya sidaanay marna u rabin dawlad somaliyeed,iyo somaliland toona.

Itoobiya waxay ogaatey qorshaha ugu dhow ee koonfurta somaliya dawladi uga dhalan kartaa waa qorshahaa kacdoonka shacabku ku gadoodeen qab-qablayaashii xamar. ka dib waxay qayla dhaan kula dhex dhacdey qaar ka mid ah xukuumadaha reer galbeedka. Iyadoo ka dhaadhicinaysa waxaa soo noqday dadkii itoobiya nacaybku ku jirey ee wadaniyiinta ahaa, waxayna halis gelin karaan
jiritaanka itoobiya, iyadoo itoobiya 60% ay muslin yihiin.

Su,aasha labaad. sida uu sheegay Sirej, Fegesa (wasiirka arimaha debeda ee itoobiya) Maxaakiimtu kharar ma ku yihiin somaliland? su,aashu waa maya. Waayo? Maxaakiimta iyo Somaliland ma jirto colaad ka dhaxaysaa, ee waxaa jira oo colaad ka dhaxaysa cabdilaahi yuusuf iyo somaliland. qof kasta oo reer somaliland ah oo leh dareen fidriyi waa og yahay inaynaan Amxaaro walaalo ahayn ee aynu walaala nahay dadka muslimiiinta.

Waa qalinkii Ahmed Nur Fahiye

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.