  
|
 |
|
Riwaayadii siyaad alifay
Mubaarak Mohamed Nur "Qoorubaxay" |
|
Sunday,
December 17th, 2006 |
|
|
Waxay waayuhu ina barayaan inaan ka sheegno dhacda
kasta iyo tagtadeedii sida aan u dhigi karno ee xaqiiqa ugu dhow
si ay u noqdaan wax uu liqi karo maanka qofka bini aadmaiga ee uu
u gaajaysan ogaanshaha wixii ka horeeyey hamuuntana u qaba
hilaadinta mustaqbalka ay ku yaalan karto, hadaan ka gudbo arartaa
gaaban waxaan u gonda degayaa nuxurka kooban ee aan doonayey
inaan u galo oo ah ,waxay ahayd bishii oktoobar sanadkii 1989-kii
markii anigoo fadhiya xaruntii Ururka Dhalinyarada somaliyeed ee
muqdisho oo xarun u ahayd kooxdii aan ka tirsanaa ee Danan
muqdisho sheekona na dhex marayso niman aanu saaxiib ahayn oo kala
ahaa axmed siciid Diiriye (axmed tacab), Xasan
kulane weheliye iyo maxamed maxmuud jeyte oo ka tirsanaa kooxda uu
noo yimi gaadhi ka mid ah gawaadhida xarunta madaxtooyada ee
siyaad bare oo uu la socdo abwaankii weynaa ilaahy ha u
naxariistee Xuseen aw faarax iyo nin la odhan jiray Xasan suudi
xirsi oo gudoomiye ku xigeen ka ahaa hogaankii abaabulka iyo
kicinta ee xisbiga iyo qaar ka tirsan ilaalada madaxtooyada ee loo
yaqaan koofiyad casta,waxaa noo soo degey xuseen aw faarax noona
sheegay in abwaanada kooxda laga doonayo xarunta madaxtooyada oo
siyaad bare na doonayo sidaa aawadeed waxaanu ku raacnay aniga
Mubaarak Mohamed nur oo markaa kooxda la iiga yaqaanay Qawdhan ,Axmed
siciid diiriye ( Tacab baa tanaad leh) iyo cabdi tahliil warsame
oo deganaa meel aan ka fogayn Xarunta kooxda deganaa waxaanuna
raacnay gaadhigii uu la socday Xuseen aw faarax e eka mid ahaa
dhawrkii gaadhi ee xarunta siyaad loogu jeclaa ,waxaanu galay
xarunta madaxtooyada goor fiid ah waxaana naloo
baadhay si caadi ah waxoogaa ka dibna waxaanu kalay qol hool ah oo
leh barsad kale oo qol kale ku sii dhexyaal oo hadana barsad kale
leh mise waxaa fadhiya halkaas madaxweynihii Soomaaliya Mohamed
siyaad bare oo ah nin wax badan lagu xasuusto ay ku hareeraysan
yihiin kuraasi uu ugu talo galay inuu nagu qaabilo oo gaadhaysa
ilaa 19 kursi oo ku wareegsan miis weyn ,siyaad bare waxa dhinaca
midig ka fadhiyay xasan suudi xirsi waxa ku xigay Maxamed cali
kaariye ,axmed nuur yuusuf,axmed naaji, cabdilaahi diiriye
sooraan,Maxmuud tukaale cismaan ,axmed siciid diiriye ,cabdi
tahliil warsame waxana ku xigay aniga oo weji quman oo toos ah
siyaad bare ugu beegnaa , dhinaca bidix waxaa ka fadhiyay General
Maxamed Nuur shareeco,waxa ku xigay xuseen aw faarax Maxamed
Maxamuud qaaqaa iyo abwaaniin kale oo aanan hada xusuusan.
Ujeedada shirka (kulanka)
shirka ujeedada ugu wayni ee keentay waxay ahayd ka
dib markii uu maxamed nuur shareeco u tegey siyaad bare una
sheegay in riwaayada 21-ka oktoobar oo sanad walba ay sameeyaan
hoobalada qaranka ee waaberi ee sanadkaa la soo bandhigay ay tahay
mid Anti (lid ku ah maamulka) ah oo ka soo horjeeda sifihii
kacaanku doonayey oo ay tahay mid kicinaysa dareenka shacabka kana
hor keenaysa maamulka ee wax laga qabto oo la joojiyo ,tala soo
jeedintaas oo siyaad bare aad ugu qushuucay oo uu ku qancay
erayada riwaayada heesaheeda ama geeraaradeeda ku jiray ee siyaad
loo geeyey sawirkana laga siiyay waxay ahaayeen kuwo ka hadlaya
waaqica dalku ku sugan yahay iyo sida aan la isaga indha tiri
karin suugaan ku salaysan xaalada uu markaa dalku marayey. waxaa
ka mid ahaa wixii waaberi ka hadleen waqtigaas
ka ka dirirayee ka
dagaalamoow
Midnimada darteed
dakanada iloow,
waxaa kaloo Ka mid
ahaa wax U dhow ama ugee
irbad aan dun gelin
karin
Waxaa furay hadalkii maxamed siyaad bare oo aad ugu
dheeraaday waayihii ay soo wada mareen kacaanka iyo sidii
fanaaniintu uga qayb qaateen horumarka bulshada soomaliyeed ee
dhinaca wacyigelinta iyo sida loogu baahan yahay maanta in ay is
barbar tagaan maamulka oo ay la soo gudboonaadeen waayo qalaf sani
sidaa aawadeed waxu codsaday in looga waramo halka ay maryso
riwaayadii loogu talagalay munaasabada 21 ka oktoobar ee bulshada
caalamka masuuliyiin ka socotaa ka soo qayb geli doonto,waxaa
hadalkii u baxay maxamed cali kaariyo oo ka sheekeeyey sidii ay
ahayd iyo in riwaayadu u qaybsantahay sadex qaybood oo kala ah
Sooyaal,sixitaan iyo saadaal ,sidaa aawadeedna ay dhan tahay waxa
keliya ee ay u xaniban tahayna ay noqotay kharash la’aan iyadoo
riwaayada loogu talo galay inay ku baxdo 10 milyan oo shilinka
soomaaliga ah oo markaa ahayd lacag aad u badan hase yeeshee la
waayey meel laga sarifo jeegii lacagta ahaa waayo waxaa jirta
lacag la’aan ka jirtay bankiga qaran oo laga waayay lacag ,waxaase
hadalkii ka dhex galay siyaad bare oo waydiiyay maxaad suuqa
bakaaraha ula tegi waydeen ee uga sarifan weydeen waxayse noqotay
su’aal jawaab loo waayey dal madaxweynihiisii leeyahay maxaad
suuqa madaw uga sarifan waydeen halkii laga dejin lahaa qorshe
dhaqaale oo bulshada laga saaro mishkilada xaga lacagta ka
haysatay, wayse iska cadayd inaanay goortu goor ahayn maamulka iyo
kala danbayntuna faraha ayay kas ii baxayeen wadanka soomaaliya
guud ahaantii. Iyadoo sheekadii socoto siyaad barane marba isku
bedelayo beeb madow oo buuri ku jiro iyo kafee madow ayaa wuxuu u
yeedhay inan ka mida ilaaladiisa wuxuuna faray inuu ragan u keeno
waxay cabaan Inankii ilaalada ahaa ayaa wuxuu noo keenay shaah
bigaysa (waxa keliya ee siyaad lahaa ee aan cabay weligay ) oo aan
cadays lahayn wuxuuse siyaad waydiiyay inankii sababta uu shaaha
nimanka uga soo cadayn waayey wuxuuna inankii ku jawaabay: jaalle
Madaxweyne cadayskii baa go’ay, Shareeco oo markaa ag fadhiyay
Madaxweynaha dhiniciisa midig ayaa yidhi Aniga isbarmuuto ii keen
Markii hadalkaasi ka soo dhamaaday ayaa siyaad bare u eegay Eegmo
libaax dacawo ku eego wuxuuna raaciyay hadal u dhignaa Sidan:
Imaanka lagaa qaad waar maxaad u cabi wayday waxa saaxiibadaa
cabayaan umadaasaanu leenahay ha isku mid noqoto, anaguna qosol
gaaban ayaanu raacinay kulankiina halkiisii ayuu kas ii socday.
markii waqti badan aanu fadhinay abwaanadii meesha isugu yimina ka
hadleen sida wax loo alifo marka ay tahay munaasbadaha cayn kale
ah ayaa aakhirkii waxa siyaad bare soo jeediyey in uu isagu ay la
tahay in riwaayada laga saaro wixii loo arki karo dhaliil maamul
lakuna koobo damaashaad iyo dabaaldega oktoobar .Markii halkaa ay
maraysay ayaa maxamuud tukaale weydiiyey hadii siyaad bare ay la
noqtay inaan laga hadal waxa jira in uu loogu yeedho qolyaha
ciyaaraha iyo hidaha iyo dhaqanka (Facklord dances) si ay ugu
ciyaaraaan kabeebay, beereey iyo walasaqo, riwaayadana la iska
daayo gebigeeda, hadalkaasi wuxuu noqday mid aan u qudhqudhsamin
siyaad bare wuxuuna sheegay inaanu ku qanacsanayn.
Arin kale oo iayna dhacday waxay ahayd markii
ilaahay ha u naxariistee Axmed Nuur yuusuf oo ka mid ahaa
abwaanadii meesha yimi uu is tusay inuu madasha iskaga tago
maadaama waxa meesha yaali aanay ka turjumayn xaqiiqa iyo dareenka
waaqiciga ah ee markaa umadu maraysay, wuxuuna ka codsaday siyaad
bare inaanu arimahan la riwaayada la soconin ee ay tahay mid ay
abwaaniinta hobalada waaberi wadeen oo aanay waxba kala soconin
abwaanada kooxaha kale ee qaranku . teeda kale uu ka qaybgelayo
siminaar xisbiga al ba’ath ee ciraaq leeyahay ee la fasaxo,
arintaas oo siyaad aanu jeclaysan . Axmed nuur yuusuf markuu arkay
inaan siyaad bare la dhacsanyn hadalkiisa ayuu ku adkaystay wax
kastaa ha ku dhaceene inuu yidhaaho Mudane maxadweyne waxaan u
baahanahay inaan shaqada ka tago maadaama oo aan ah xildhibaan ka
tirsan golihii loogu yeedhi jiray Golaha shacabka sidaa aawadeed
waxaa siyaad bare ku yidhi axmed nuur yuusuf si cadho weyni ka
muuqato waar na dhaaf alla iimaanka kaa qaadye.
Wax dood iyo hadal la isu celiyaba waxay noqotay in
riwaayadii uu mu’alif ka nqodo siyaad bare iyo shareeco. Waxana
dhacday in meeshii shareeco codsaday in heesta ugu horaysa loogu
magacdaro inan uu dhalay oo la yidhaaho samawada heestaas oo la
odhan jiray:-
Samawadaay
Oktoobat Siyaadoow
Sidaa si leeg malaa
afkeena waxaa Laga Sugayaa Inaynu Ninaadhno Maanta Samawadoow
Riyaaloow UDUBeey.
Mubaarak
Mohamed Nur
qoorubaxay
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|