news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Cawiloow Tumaa Kugu Tidhi ?
Mubaarak Mohamed Nuur

Thursday,  December 7th, 2006

 Wax lala yaabo maaha in Nidaamkan xishoodka iyo Milgaha ka aradani uu hadma miciinsado waxaan Loo fadhiyin oo nusqaan ku ah Maamuuskii iyo haybadii qaranimo ee loo soo dagaalamay,Waana hab dhaqanka lagu yaqaana Maamul janjeedhsaday oo tegayaa,Ficilada uu Sameeyo markuu sii galbanayo.

Mayd Maxaa u danbeeyey Iyo kaa la sii sido Dhawaaqan Ka soo yeedhay wasiirka Maaliyadu ee Riyaale Kaahin wuxuu ka dhigan yahay talaabadii iyo Isku daygii ugu danbeeyey ee uu sameeyo Neef la gawracay oo rafanayaa .

Ujeedada ka danbaysaa waa In shaki lagu kala geliyo bulshada xalaasha ah ee isku dhiiga iyo dhaqanka ah ee ku nool Gobolada bariga Somaliland,Si bal ay naf ugu noqoto inuu heli karo in kursiga riyaale ku sii negaado si uu isna u sii joogi karo.

Ta labaad Waxa la sheegayaa In fadeexad xumi ka haysato wasiirka bilaa Xigmada ah daarta iyo guriga daahir riyaale Kaahin waxana la sheegay In Cawil Ku yidhi Madaxweyanaha waxaaan Ku siiyey gabadh ee iga gudoon, Hase yeeshee Madaxweynuhu yidhi gabadhu xagee joogta.Hase yeeshee arintaasi Saamayn Ku yeelatay Qoyska Madaxweynaha ,oo imika aan sidii hore looga jeclayn Xaafada wasiir cawil Mucjiso, Sidaa aawadeed waa inuu isu muujiyo nin U Maqan riyaale siduu madaxweyne u sii ahaan Laha, si kulaylka dhinacaa ka haystaa uga qaboobo.

Ta kale Wasiirka oo fara Madhan Ka jogga beesha dhexdeedii iyo beelaha kale ee Burco oo raadinaya si bal Way looga dhegaysto in uu xitaa gacantiisa dabka geliyo oo uu noqday ninka isku magacaabay inuu ka danbeeyey xadhigii suldaan cismaan suldaan cali maadar oo ah Suldaanka saldanooyinka ugu faca weyn Mid ka mid ah oo aan lagu soo ciyaarsiin karin biidhi qaate aan lahayn waxdoonis iyo Waxdiidis toona.

Waxaanuse ogayn Inaanu suldaanku ahayn Nin sidaa Ku cabiidsamaya oo kaga leexanaya Waxa ilaahay soo dejiyey ee xaqa ah, uuna yahay mid beeshiisha ku hogaamainaya dariiqa toosan ee xaqa ah. Magaalada burcona maaha Meel adiga iyo Mid la mid ah Manta ka dhegaysanaysa Wax kasta oo aan ku jirin danteeda iyo maslaxadeedu, nabadeedana iyadaa ku filan

Hadal iyo dhamaan Ma doonayo Inaan Wax ka soo qaado waxan uu ku hadlay laakiin waxaan shacabka somaliland u sheegi Lahaa In hadii mar danbe ay ka maqlaan waxaa Wax la mid ah ay Yidhaahaan Oo keliyo iyaga oo aan is dhibin, Cawiloow Tumaa Kugu tidhi!

Mubaarak Mohamed Nuur

Qoorubaxay
 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.