|
Wasiirka
Arrimaha Dibadda Somaliland:
“Waxaannu dhisnay Distoor
Calmaani ah”- BBC World,
The World Today, 19th Aug.
2006
Madaxweynaha Somaliland: “Waxaannu
hirgelinney Dimoqraaddiyad calmaani ah”, The Daily Telegraph,
Friday 27th
Oct. 2006. |
|
01/12/06 ayaa suldaanka laga afduubay
gurigiisa magaalada Burco oo loo taxaabay xabsi ku yaalla
Mandheera. Suldaan Cismaan Suldaan Cali waxa lala qabtay oo isna
xidhan Maxamed Faarax Aadan oo ka mid ahaa shir guddoonkii kulan
Burco ka dhacay 30/11/06, shirkaas oo lagu guddoomiyey in Habar
Yoonis ku maaraynayso arrimaha gudaheeda degaan ahaan ku
dhaqanka shareecada islaamka, waxana shirku dawladda Somaliland
iyo tolalka kale ee ay walaalaha yihiinba ugu baaqay ku dhaqanka
shareecada islaamka.
Aan idhaahdo Somaliland halis bay daaqaysaa. Waxa cagta lagu
hayaa waddaddii burburka. Jarkii hoogga ayaa maalinba maalinta
ka dambaysa lagu sii durkayaa. Kelitalisnimadu waa hooyada
halaagga. Car juuq dheh iyo ku tumashada xuquuqda, milgaha iyo
haybadda waddanigu waa astaantii ifafaalayaasha baaba’a qanuunka
iyo kala dambaynta. Haddii distoorka iyo xeerarkiisu ay ka dul
kici waayaan oo ku dul abaarsadaan waraaqaha ay ku qoran yihiin,
haddii madaxda qaranka iyo hay’adaha dawladdu u dhaqamaan sidii
ay doonaan oo lagu gabbood falo xilkasnimo oo dhan iyo
mas’uuliyaddiiba, waxa lunta kalsooni oo dhan, waxana si fudud u
suula sifooyinkii dawladnimo oo dhan.
Dawladda maantu waxqabad la’aanteeda, curyaannimadeeda, indha
la’aanteeda iyo musuqeeda, waxa ay ku darsatay dad cunnimadan ay
la soo baxday iyo foolxumooyinkan ku xidhiidhsan caqiidada iyo
diinta ummadda ee si kasta cagta hoosteeda loo gelinayo ee loogu
tumanayo.
Sannad in ka badan ayaa laga joogaa markii lixda culimada ah ee
argagixisada lagu eedeeyey loo taxaabay xabsiga Hargeysa,
culimadaas oo aan ilaa haddeerto wax xukun ahi aanu ku dhicin oo
lagu soo caddayn kari waayey wax dembi ah oo ay ka galeen dalka
iyo dadka Somaliland. Sida laga warqabana culimadaas waxa lagula
kacay jidh dil fool xun oo qaarkood la caddaynayo in dhaawacyo
ka soo gaadheen. Culimadaas Hargeysa ku xidhan waxa ka mid Sh.
Maxamed Sh. Ismaaciil Sh. Xasan oo beri dhoweyd la faafiyey
muuqaallo fool xun (Jidh dil ah) oo lagaga duubay sheekha
cajalad video ah, arrintaas oo dawladda Somaliland ku
guuldarraysatay iska dulqaadkeeda, ka dib markii ay u saari kari
waydey guddi madax bannaan oo ammuurtaas meel cayiman ku tiirisa!
Culimada xidh xidhani waxa ay kala yihiin:
Sheekh Maxamed Sheekh ismaaciil
Sheekh Axmed-kayse Cali Xuseen
Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur
Sheekh Muuse Cali yuusuf
Sheekh C/laahi Maxamed Axmed
Sheekh Maxamed Ibraahim Axmed
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Maxamed Faarax Aadan ayaa
iyana maanta u godobaysan diinta islaamka. Dembiga lagu haystaa
ee xabsiga loogu garbaduubayaa wax kale ma aha ee waa keliya in
ay ku baaqeen in lagu dhaqmo shareecada islaamka, ka dib markii
ay go’aansadeen in ay degaanka qoyskooda ka hirgelinayaan
shareecada islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Waa ayaan darro in arrintaas oo kale cidba loo xidhaa, waana
ayaan darro kale in madax dhaqameed, weliba suldaan beel dhan
lagaga xayuubiyaa sharaftii iyo haybaddii uu lahaa. Runtii waa
gef iyo xumo xurmo la’aaneed oo loo gaystey Somaliland oo dhan
madax dhaqameedyadeeda, salaadiinteeda, ehlul sharafkeeda iyo
shacabkeeda. Waa xaq darro ay tahay in laga wada oogsado oo la
diido fulinteeda iyo sii socoshadeeda, waana mash-qac la ruubay
dadnimadeenna oo haddii aynu haddeer ka diiri wayno, hadhowto
inagu noqon doona waran afdhuuban oo fallaadho sumaysan
jiidanaya!
In dawladdeennu diinta iyo damiirkeenna islaamiga ah la
dagaallantaa la yaab ma leh, ha yeeshee waxa yaab leh in aynu
hoos u hoganno oo ugu dul qaadanno qorshayaasha lagu fogaynayo
soo dhowaynta hirgelinta iyo ku shaqanka shareecada islaamka oo
dastuurkeennu oggol yahay. Dawladdeennu ma aha xilkas,
mas’uuliyiinteeduna waxa ay la ambadeen xilkaas. Sinaba macquul
uma aha in arrintan Suldaan Cismaan Suldaan Cali loo xidhaa.
Haddii ay dawladda Somaliland xilkas tahay waxa loo yeedhi lahaa
suldaanka oo lagu qancin lahaa ilaalinta iyo kala xadaynta
awoodda fulinta ama xukunka dawladda iyo maamulka hoose ee
tolalku gudahooda kaga dhaqmaan. Ha yeeshee xadhiggu waa
xilkasnimo darro iyo meel-ka-dhac weyn.
Dawladdeenna iyo ku dhaqanka shareecada islaamku waxa ay kala
fadhiyaan “cirka iyo dhulka”, taas baana keenaysa in ay ka
didaan sidii adhi weere arkay dareen kasta oo dhadhan diimeed
leh. Shareecada islaamku ma burburinayso Somaliland ee waxa
duminaysa siyaasadda dawladda maanta ee xaalad abuurka ah,
dawladdan ku faanta diin laawennimada; diin la’aan ta ama
calmaannimada.
Madaxweynaha iyo wasiirkeenna arrimaha dibaddu waxay labaduba
dunida u caddeeyeen in ay ku naalloonayaan hirgelinta dawlad
calmaani ah; dawlad aan diin wax shuqul ah ku lahayn; dawlad
diinlaawennimo ku dhaqanta! 19/08/2006 ayaa wasiirka arrimaha
dibaddu arrintaas u xaqiijiyey barnaamijka afka ingriiska ku
baxa ee BBC-da ee loo yaqaan The World Today. Madaxweynaheennuna
waxa uu arrintaas mid la mid ah ku sheegay wargeyska The Daily
Telegraph cadadkiisii soo baxay Jimcihii, 27-kii bisha Okt.
2006.
Xadhiga Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo xoghayntiisu waa
baaddil xaq darro ah, waana in xukuumadda cadaadis lagu wada
saaraa sii dayntooda, waana in dawladdeenna la baraa in xadhigga
xaq darrada ahi ka mid yahay waxyaalihii ummaddani ka
dagaallantay ee kumannaanku ku naf waayeen, kumannaanka kale ku
naafoobeen, kumannaankuna ku maal beeleen ee ku burbureen.
Somaliland ma aha quraarad daleel saaran oo dhagaxna hoos yaallo
oo iska soo dhacaysa, iskana burburaysa. Suldaan Cismaan Suldaan
Cali iyo beeshiisuba waxa ay ka mid yihiin hormuudkii u halgan
iyo hawlba galay Somaliland iyo dib u yagleelkeeda, maantana ma
ay samayn wax hagardaamo ah iyo waxyeellayn ku qumman
qarannimada Somaliland wax sii hagaajinaya mooyaane.
Waa in la sii daayaa Suldaanka iyo inta xaq darrada ugu hoyata
eek u xidhan jeelasha waddankeenna dhammaantood, iyada oo
maskaxkamad deg deg ahna la horkeenayo dadka dembiyada lagu
eedaynayo, gaar ahaan culimada lagu silic dilyeynayo
xabsiyadeenna.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
|