  
|
 |
|
BEEN MA
SHEEGTO TAARIIKHDU
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse |
|
Friday,
December 1st, 2006 |
|
|
Ilaahay Subxaanahu wa tacaala marku abuuray Bini Aadamka wuxu ku
rakibay laba dhuumood; midi waa tan neecawda aan ku noolahay marto,
ta kalena waa ta cunnadu marto. Haddii labadan dhuumood mar keli ah
wax isku gudbaan, naflulhu wuxuu halis u yahay daqiiqado yar
kabacdii in uu geeriyoodo. Waxa sidan ka dhigan duulka weli
Soomaaliweyn u weeran ee waxa ay ugu yeedhaan kooxda waqooyi loogu
afduubanyahay ay kaga qotonsatay labadii dhuumoodba. Laftan meesha
khatarta ah ku qaloocatay hoosna u degiweydey, dibna usoo noqonwedey.
Adduunweynuhu wuu ka so gudbay xiligii la isku beerlaxawsanayey
cidbaa rabitaankeedii loo diidanyahay oo la afduubay. Isgaadhsiintu
heerka ay marayso waxa la gaadhay in dhacdo kasto iyo wixii soo
kordhaba ilbidhiqsi lagu ogaado; daafaha adduunyadana wax walboo ka
jira warkeedu iyana waa suganyahay.
Iyadoo hadaba sidaas arrinkeedu yahay, waxan rabaa ugu horeyn inaan
halkan ka tacsiyadeeyo isu boodada cusub iyo isbahaysi
xaaraarameedka isu habarwacday ee subaxan saaka [ December 1, 2006]
u fadhiya magaala madaxda dalka maraykan baroordiiqdii sannad
guurada shan iyo tobnaad ee midnimadii qarankii Soomaliyeed ee
burburay. Dhammaanteeen Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo
geeridaa naxdinta leh ee ku timid midowgii labadii gobol ee
gobanimada qaatay 1960. Walaalahayaga xuska isugu yimidna waxan
odhan lahaa: Tan midnima ahna muddo dheer ayaad carabka ku hayseene
mar uun luxudka si fiican ha u qabatee hadal haynteeda iskaga hadha
oo ka hawl yaraysta.
Intaa waxan raacin su’aasha meesha ku jirta oo ah: marka u horeysa
nimanka goobtan isku urursaday cidda reer Somaliland ah ee igmatay
oo u awoodsiiyeyy in ay magaca, sharafta iyo karaamada ummadda ku
hadlaan amaba yidhaahdaan midnimo Soomaaliyeed ayaan dib usoo
noolaynaynaa? Jawaabtu waxa weeye cid aad wakiil ka tihiin majirto
ee munaafaqad, xasad, iyo naxli isbiirsaday ayaa isula shir
timaadeen.
Tiraba saddex kooxood ayey u qaybsanyihiin dadka tacsiyada ka
qaybgeleya oo kala ah:
1- koox sahan ah oo ku heesaysa “Ruug caddaagii so rogaal celi.”
Hawraarsan weeye ninka kabtii iyo koodhkii Xaaji Suudi Yalaxow qun u
gashadoow, halka aad ku laafyoon ma isweydiisay. Seenyaalkani waa
mid fashilmay. Horaa loo yidhi, “Nimaa hayb wadaagtaan ayaan sii
hundo ogaanin, hebeloow ma barideen ayaan hore u sii dhaafin.” Ama,
“ Dhaaxaa hadhuub madhan Soomaaliweyn la hor istaagteene, Waa horaa
u hidin lahaydeen tan aad manta haysaan..” Mushkiladda kooxdan ku
gadaaman dawo iyo dabiib lagu furdaansho midna lama hayo.
2- Koox gaadiid qaad ah- daqanka reer guuraaga Soomaaliyeed waxa ka
mid ah in marka beeshu hayaamayso haddii gaadiidku ku yaraado beesha
la deriska ay gaadiid qaad weydiisato. Marka rattiyada la celinayo
milgo gaar ah ayaa jiray oo marnaba awrta caddaysimo luguma
celinjirin. Mar haddi gaadiidqaadkii siyaasadna loo adeegsaday sow
wixii laga filaaba mucjisad soo korodhay ma aha? Halkan Waqooyiga
Ameerika iyo Ardi Wilaaya telefoonada adeegsigooda waa la hawl
yareeyey oo meel kasta waad ka heli kartaa haddii arrin deg deg ihi
kugu timaado. Waxase keli ah ad u baahantahay waa sacab muggii oo
dhururi ah. Hadba inta lacag aad ku ridato ayuu telefoonku kuu
shaqayn; markaa xiligan aynu joognana Bini Aadam laga dhex hadlayo
ayaa soo kordhay.
3- Koox dalkeedii hore gadday oo meel ay fadhiisin ka dhigato iyo
gabbood cusub raadinaysa. Ninkan heeryadiisii cunoow ma maqashay,
“Hoollanda iyo Urub Baan tan Karin in ay ka heesaane, Haydh
klaarakyadiiba hotiina bay ku haskadeyeene.” Afar iyo lixdan sanno
ka hore ayaa madax dhaqmeedyo metelaya beelow Soomaaliyeed shir ay
kaga arrinsanayeen dalballaadhisigii Xabashida ku qabsadeen
deegaanka Haradigeed. Allaha ha unaxariste Suldaan Cabdillaahi
Suldaan Diriye ayaa madashii ka hadlay. Hadal kuu jeediyeyey waxa ka
mid ahaa:
“ Beri ka maalin ninkaa franji ee diirka cad adduuyadu si dhibyar
bay inoo kala saari; kanse aynu isku midabka nahay loo maaro heli
mayo oo cid ina kala saarta la arkimaayo..”
Deegaankii shiru ka socday qar madax dhaqmeedyadiisii ka mid ah ayaa
si qarsoodi ah Xayle Selaase adduun farabadan uga qaatay Soomaalidii
kalena ku wacad furay. Maantana waxa markhaati maddoon ah isla
deegaankii laftiisii qowmiyaddii Soomaaliyeed laga dhaxal wareejey
oo si hawl yar looga iibshey Oromada. Dhulka aan ka hadlayaa waa
Jigjiga duleedkeede oo Jinacsani iyo agagaarkeeda. Ninkaa dhulkiisii
tuurta ku sita ee had hadba leh haddee yaa iga gatta midnimo
Soomaaliyeed halkuu isna ka soo geleyaa? Awgayoow dawladdii kula
lihi bishii Jan. 29, 1991 ayey haligantay Illaahay waxan idiinka
baryayaa samir iyo iimaan.
Seddexdiinan kooxood warkiinu sidaasu ku dhanyahay.
Wuxu yidhi ninkii jiray waxaan ka murugoon halka aan ka jabay,
da’ada aan ku jabay, iyo goobta aan ku jabay. Wufuuda ka qaybgeleysa
baroodiiqda israacii 1960 waxan u sheegayaa in ay midnimadii laba
dhanbalood u kala jabtay sida ninkaa laf dhabarka ka jabay; waa
da’aday midho dhalin lahayd; goobtuna waa cidla laga hayaamay.
“GODOBTEEDU YAY SAARANTAHAY EE SAAKA LAGU DOONAN?” Horeysiyo
danbeysaba waa mida aan Soomaali koonfureed cidi ku wehelin meel
kale oo lagula galgashaa ma jirto.
Waxase layaab leh in sooyaalka taariikhda la majara habaabiyo iyadoo
in tiro yar oo dan gaar lihi ay dhacdooyinkii dalkii la isku odhan
jiray Somaaliya si qaldan oo xaqiiqada ka fog u turjumto. Dhibaatada
Soomaali ku habsatay lamay kowsan kacdoonkii hubaysnaa ee ka dhacay
Somaliland1982-1991 oo si naba looma odhankaro Qabiilka reer hebel
oo keliya ayaa loo geedsaara oo daanyaqaad ka noqonaya midnimada
dhicisowday. Reerkan farta la isugu fiiqayaa ee bartilmaameedka laga
dhiganyaa haba yaraatee arrimaha murugsan ee koonfur Soomaaliya ka
aloosan meel ay ka soo galaan majirto sabab loogu eedeeyana meeshaba
ma taalo. Runta haddaan la iska indhatirayn halka salaadu ka xidhmi
la’dahay tan iyo 1960kii waxa weeye laba hirdan oo iska soo horjeeda
mabda’oodu se is ku mid yahay: Anaa ahaan jiray oo talinaya iyo anna
weykane is keensii ! Labadubana waxay ku salaysanyihiin:
1- Damac siyaasadeed oo hoosta ku wata hanti raadis iyo dhaqaale
urursi;
2- Dalballaadhsi iyo deegaan dooris loogu awoodsheegtay beelaha aan
hubaysnayn.
Qodobka kowaad qaaradda Afrika dalal badan ayaa Soomaalida kala
siman oo bulshooyinkoodu aaminsanyihiin in hadba ninka kursiga ku
fadhiya reerkiisu dhaqaale gaar ah heleyo, waana ta had iyo jeer
dhalisa maamul xumada iyo musuqmaasaqa guud ahaan aafeeyey wadamada
Afrika. Arrintaasina wa ta keentay horumar la’aanta iyo xasilooni
darrada meelo badan ka jirta. Xaalku hadduu ku koobnaan lahaa damac
siyaasadeed oo qudha si uun baa maaro loogu helilahaa; waxayse talo
faraha ka muruxsatay marku damac siyaasadeedkii mattaaneeyay budhcad
badeed iyo qowlaysato berri. Heerka ay koonfuri maraysaa waa
mattaanihii oo isu adeegsanaya quwado shisheeye:
Dawladda gacanku rimiska ah ee Embagathi lagu soo yagleelay oo
caalamka ku beerlaxowsanaysa in argagixiso Soomaaliya qabsataye,
ciidamo shisheeye oo hubka ka dhiga kooxaha naga soo horjeeda dalka
ha la keeno Si awoodda xukuumadu u hirgasha. Dawlad aan haysan
kalsoonidii iyo tageeradii shicibka ay metelayso sida ay u saldhigi
ayaa is weydiin mudan? Qorshaha kooxda Embagathi hoosta uga
xarriiqan waa qeexanyahay oo madmadow ma leh ujeedadiisuna waxay
tahay burburinta qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland;
ummadda dabinka loo maleegayaana si fiican ayey u digtoontahay
shirqoollada lala beegsanayo.
Dawladda aragtideedii siyaasadeed nocaas tahay ayaa waxa liddi ku
noqday xoogag mayal adag oo muquuniyey kana guulaystay dagaal
oogayaashii Muqdusho lix iyo tabanka sannadood ka amar ku taagleyn
jiray. Inkastoo itijaaha siyaasadeed ee isbahaysiga maxaakiimta
jahawareer badani ka muuqdo, hadana waxa keliya ee u qorshaysani waa
baabi’inta qarannimada Somaliland, dib u cusboonaysiin, iyo
dardargelin hore le heestii duugowday, “shanto isweheshaday
wanaagsanaydaa, Calan in ay wadaagaan wacnaydaa.”
Qodobka labaad waa mid Soomaalida ku cusub wuxuna ka tarjumayaa
waaqica manta koonfur Soomaaliya ka jira waana mid aan la
dafirikarin. Duullaanada laga soo abaabulay goboladii ahaa
lamadegaanada waxay sababeen in deegaanadii beeralaydu ku dhaqnayd
xoog lagu qabsado ummaddiina hantideedii laga farabaxsho oo la
barakiciyo dabadeedna xeryo qaxoonti dadkii lagu urursho. Waa dulmi
iyo daqan xumo la isula badheedhay reer koonfureedna way ka
warwareegayaan oo marnaba ma rabaan in mushkilada la soo afjaro oo
xal loo helo. Taasna waxa la heli karaa oo keliya marka la ogolaado
ee la isla mel dhigo in cid waliba deegaankeedii dib ugu laabato.
Sida aynu wada ogsoonahay tiraba 14 jeer ayaa dalalka mandiqadda iyo
caalamka intissa kaleba ka hawlgaleen sidii nabad loogu soo dabaali
lahaa koonfur Soomaaliya. Kharash iyo adduun fara badan ayaa
hawshaasi ku baxay, nasiib darro se waxay noqotay ummaddii la
doonayay in la nabadeeyo haba yaraatee in aanay diyaar u ahayn in ay
ku heshiiyaan maamul hanta kala danbayn, xasilooni, iyo karaamadii
qarannimo. Farsamada iyo qaabka loo maray dib u heshiisiinta
Soomaali koonfureed ayaa qaladaad fara badani ku jiraan.
Shacbiweynihii koonfureed wuxu u garbaduubanyahay koox dagaal
oogayaal iyo gacanku dhiiglayaal isugu jirta oon u damqanayn
dadkooda iyo dalkooda midna, kuwaas ayaa hadba shir aan midho
dhalinayn meel loogu qabanayaa. Taasina waa barkuma taal dheh marka
aad eegto ninamkan kitaabkii Illahay qoriga dabalaabka ku hoos
qarinaya.
Maxaa horror dhexbodaaya
Maxaa halaq ka heesaaya
“Ood lagama gooyaan maxaa Eheli naar jooga” Cabdigahayr.
Inta hadhayna waa inoo waaberiga Sabtitada Dec. 2nd 2006.
Ha jirtoo ha waarto Jamhuuriyada Somaliland
inta ka xunna waxan odhan siduu yidhi Illahay, “Muutuu bi qaydikum.’
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Scarborough, Canada.
November 30, 2006
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|