news@caynaba.com   Where news comes first  


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



BEEN MA SHEEGTO TAARIIKHDU
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

Friday,  December 1st, 2006

Ilaahay Subxaanahu wa tacaala marku abuuray Bini Aadamka wuxu ku rakibay laba dhuumood; midi waa tan neecawda aan ku noolahay marto, ta kalena waa ta cunnadu marto. Haddii labadan dhuumood mar keli ah wax isku gudbaan, naflulhu wuxuu halis u yahay daqiiqado yar kabacdii in uu geeriyoodo. Waxa sidan ka dhigan duulka weli Soomaaliweyn u weeran ee waxa ay ugu yeedhaan kooxda waqooyi loogu afduubanyahay ay kaga qotonsatay labadii dhuumoodba. Laftan meesha khatarta ah ku qaloocatay hoosna u degiweydey, dibna usoo noqonwedey. Adduunweynuhu wuu ka so gudbay xiligii la isku beerlaxawsanayey cidbaa rabitaankeedii loo diidanyahay oo la afduubay. Isgaadhsiintu heerka ay marayso waxa la gaadhay in dhacdo kasto iyo wixii soo kordhaba ilbidhiqsi lagu ogaado; daafaha adduunyadana wax walboo ka jira warkeedu iyana waa suganyahay.

Iyadoo hadaba sidaas arrinkeedu yahay, waxan rabaa ugu horeyn inaan halkan ka tacsiyadeeyo isu boodada cusub iyo isbahaysi xaaraarameedka isu habarwacday ee subaxan saaka [ December 1, 2006] u fadhiya magaala madaxda dalka maraykan baroordiiqdii sannad guurada shan iyo tobnaad ee midnimadii qarankii Soomaliyeed ee burburay. Dhammaanteeen Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo geeridaa naxdinta leh ee ku timid midowgii labadii gobol ee gobanimada qaatay 1960. Walaalahayaga xuska isugu yimidna waxan odhan lahaa: Tan midnima ahna muddo dheer ayaad carabka ku hayseene mar uun luxudka si fiican ha u qabatee hadal haynteeda iskaga hadha oo ka hawl yaraysta.

Intaa waxan raacin su’aasha meesha ku jirta oo ah: marka u horeysa nimanka goobtan isku urursaday cidda reer Somaliland ah ee igmatay oo u awoodsiiyeyy in ay magaca, sharafta iyo karaamada ummadda ku hadlaan amaba yidhaahdaan midnimo Soomaaliyeed ayaan dib usoo noolaynaynaa? Jawaabtu waxa weeye cid aad wakiil ka tihiin majirto ee munaafaqad, xasad, iyo naxli isbiirsaday ayaa isula shir timaadeen.

Tiraba saddex kooxood ayey u qaybsanyihiin dadka tacsiyada ka qaybgeleya oo kala ah:

1- koox sahan ah oo ku heesaysa “Ruug caddaagii so rogaal celi.” Hawraarsan weeye ninka kabtii iyo koodhkii Xaaji Suudi Yalaxow qun u gashadoow, halka aad ku laafyoon ma isweydiisay. Seenyaalkani waa mid fashilmay. Horaa loo yidhi, “Nimaa hayb wadaagtaan ayaan sii hundo ogaanin, hebeloow ma barideen ayaan hore u sii dhaafin.” Ama, “ Dhaaxaa hadhuub madhan Soomaaliweyn la hor istaagteene, Waa horaa u hidin lahaydeen tan aad manta haysaan..” Mushkiladda kooxdan ku gadaaman dawo iyo dabiib lagu furdaansho midna lama hayo.

2- Koox gaadiid qaad ah- daqanka reer guuraaga Soomaaliyeed waxa ka mid ah in marka beeshu hayaamayso haddii gaadiidku ku yaraado beesha la deriska ay gaadiid qaad weydiisato. Marka rattiyada la celinayo milgo gaar ah ayaa jiray oo marnaba awrta caddaysimo luguma celinjirin. Mar haddi gaadiidqaadkii siyaasadna loo adeegsaday sow wixii laga filaaba mucjisad soo korodhay ma aha? Halkan Waqooyiga Ameerika iyo Ardi Wilaaya telefoonada adeegsigooda waa la hawl yareeyey oo meel kasta waad ka heli kartaa haddii arrin deg deg ihi kugu timaado. Waxase keli ah ad u baahantahay waa sacab muggii oo dhururi ah. Hadba inta lacag aad ku ridato ayuu telefoonku kuu shaqayn; markaa xiligan aynu joognana Bini Aadam laga dhex hadlayo ayaa soo kordhay.

3- Koox dalkeedii hore gadday oo meel ay fadhiisin ka dhigato iyo gabbood cusub raadinaysa. Ninkan heeryadiisii cunoow ma maqashay, “Hoollanda iyo Urub Baan tan Karin in ay ka heesaane, Haydh klaarakyadiiba hotiina bay ku haskadeyeene.” Afar iyo lixdan sanno ka hore ayaa madax dhaqmeedyo metelaya beelow Soomaaliyeed shir ay kaga arrinsanayeen dalballaadhisigii Xabashida ku qabsadeen deegaanka Haradigeed. Allaha ha unaxariste Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diriye ayaa madashii ka hadlay. Hadal kuu jeediyeyey waxa ka mid ahaa:

“ Beri ka maalin ninkaa franji ee diirka cad adduuyadu si dhibyar bay inoo kala saari; kanse aynu isku midabka nahay loo maaro heli mayo oo cid ina kala saarta la arkimaayo..”

Deegaankii shiru ka socday qar madax dhaqmeedyadiisii ka mid ah ayaa si qarsoodi ah Xayle Selaase adduun farabadan uga qaatay Soomaalidii kalena ku wacad furay. Maantana waxa markhaati maddoon ah isla deegaankii laftiisii qowmiyaddii Soomaaliyeed laga dhaxal wareejey oo si hawl yar looga iibshey Oromada. Dhulka aan ka hadlayaa waa Jigjiga duleedkeede oo Jinacsani iyo agagaarkeeda. Ninkaa dhulkiisii tuurta ku sita ee had hadba leh haddee yaa iga gatta midnimo Soomaaliyeed halkuu isna ka soo geleyaa? Awgayoow dawladdii kula lihi bishii Jan. 29, 1991 ayey haligantay Illaahay waxan idiinka baryayaa samir iyo iimaan.

Seddexdiinan kooxood warkiinu sidaasu ku dhanyahay.

Wuxu yidhi ninkii jiray waxaan ka murugoon halka aan ka jabay, da’ada aan ku jabay, iyo goobta aan ku jabay. Wufuuda ka qaybgeleysa baroodiiqda israacii 1960 waxan u sheegayaa in ay midnimadii laba dhanbalood u kala jabtay sida ninkaa laf dhabarka ka jabay; waa da’aday midho dhalin lahayd; goobtuna waa cidla laga hayaamay. “GODOBTEEDU YAY SAARANTAHAY EE SAAKA LAGU DOONAN?” Horeysiyo danbeysaba waa mida aan Soomaali koonfureed cidi ku wehelin meel kale oo lagula galgashaa ma jirto.

Waxase layaab leh in sooyaalka taariikhda la majara habaabiyo iyadoo in tiro yar oo dan gaar lihi ay dhacdooyinkii dalkii la isku odhan jiray Somaaliya si qaldan oo xaqiiqada ka fog u turjumto. Dhibaatada Soomaali ku habsatay lamay kowsan kacdoonkii hubaysnaa ee ka dhacay Somaliland1982-1991 oo si naba looma odhankaro Qabiilka reer hebel oo keliya ayaa loo geedsaara oo daanyaqaad ka noqonaya midnimada dhicisowday. Reerkan farta la isugu fiiqayaa ee bartilmaameedka laga dhiganyaa haba yaraatee arrimaha murugsan ee koonfur Soomaaliya ka aloosan meel ay ka soo galaan majirto sabab loogu eedeeyana meeshaba ma taalo. Runta haddaan la iska indhatirayn halka salaadu ka xidhmi la’dahay tan iyo 1960kii waxa weeye laba hirdan oo iska soo horjeeda mabda’oodu se is ku mid yahay: Anaa ahaan jiray oo talinaya iyo anna weykane is keensii ! Labadubana waxay ku salaysanyihiin:

1- Damac siyaasadeed oo hoosta ku wata hanti raadis iyo dhaqaale urursi;
2- Dalballaadhsi iyo deegaan dooris loogu awoodsheegtay beelaha aan hubaysnayn.

Qodobka kowaad qaaradda Afrika dalal badan ayaa Soomaalida kala siman oo bulshooyinkoodu aaminsanyihiin in hadba ninka kursiga ku fadhiya reerkiisu dhaqaale gaar ah heleyo, waana ta had iyo jeer dhalisa maamul xumada iyo musuqmaasaqa guud ahaan aafeeyey wadamada Afrika. Arrintaasina wa ta keentay horumar la’aanta iyo xasilooni darrada meelo badan ka jirta. Xaalku hadduu ku koobnaan lahaa damac siyaasadeed oo qudha si uun baa maaro loogu helilahaa; waxayse talo faraha ka muruxsatay marku damac siyaasadeedkii mattaaneeyay budhcad badeed iyo qowlaysato berri. Heerka ay koonfuri maraysaa waa mattaanihii oo isu adeegsanaya quwado shisheeye:

Dawladda gacanku rimiska ah ee Embagathi lagu soo yagleelay oo caalamka ku beerlaxowsanaysa in argagixiso Soomaaliya qabsataye, ciidamo shisheeye oo hubka ka dhiga kooxaha naga soo horjeeda dalka ha la keeno Si awoodda xukuumadu u hirgasha. Dawlad aan haysan kalsoonidii iyo tageeradii shicibka ay metelayso sida ay u saldhigi ayaa is weydiin mudan? Qorshaha kooxda Embagathi hoosta uga xarriiqan waa qeexanyahay oo madmadow ma leh ujeedadiisuna waxay tahay burburinta qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland; ummadda dabinka loo maleegayaana si fiican ayey u digtoontahay shirqoollada lala beegsanayo.

Dawladda aragtideedii siyaasadeed nocaas tahay ayaa waxa liddi ku noqday xoogag mayal adag oo muquuniyey kana guulaystay dagaal oogayaashii Muqdusho lix iyo tabanka sannadood ka amar ku taagleyn jiray. Inkastoo itijaaha siyaasadeed ee isbahaysiga maxaakiimta jahawareer badani ka muuqdo, hadana waxa keliya ee u qorshaysani waa baabi’inta qarannimada Somaliland, dib u cusboonaysiin, iyo dardargelin hore le heestii duugowday, “shanto isweheshaday wanaagsanaydaa, Calan in ay wadaagaan wacnaydaa.”

Qodobka labaad waa mid Soomaalida ku cusub wuxuna ka tarjumayaa waaqica manta koonfur Soomaaliya ka jira waana mid aan la dafirikarin. Duullaanada laga soo abaabulay goboladii ahaa lamadegaanada waxay sababeen in deegaanadii beeralaydu ku dhaqnayd xoog lagu qabsado ummaddiina hantideedii laga farabaxsho oo la barakiciyo dabadeedna xeryo qaxoonti dadkii lagu urursho. Waa dulmi iyo daqan xumo la isula badheedhay reer koonfureedna way ka warwareegayaan oo marnaba ma rabaan in mushkilada la soo afjaro oo xal loo helo. Taasna waxa la heli karaa oo keliya marka la ogolaado ee la isla mel dhigo in cid waliba deegaankeedii dib ugu laabato.

Sida aynu wada ogsoonahay tiraba 14 jeer ayaa dalalka mandiqadda iyo caalamka intissa kaleba ka hawlgaleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa koonfur Soomaaliya. Kharash iyo adduun fara badan ayaa hawshaasi ku baxay, nasiib darro se waxay noqotay ummaddii la doonayay in la nabadeeyo haba yaraatee in aanay diyaar u ahayn in ay ku heshiiyaan maamul hanta kala danbayn, xasilooni, iyo karaamadii qarannimo. Farsamada iyo qaabka loo maray dib u heshiisiinta Soomaali koonfureed ayaa qaladaad fara badani ku jiraan. Shacbiweynihii koonfureed wuxu u garbaduubanyahay koox dagaal oogayaal iyo gacanku dhiiglayaal isugu jirta oon u damqanayn dadkooda iyo dalkooda midna, kuwaas ayaa hadba shir aan midho dhalinayn meel loogu qabanayaa. Taasina waa barkuma taal dheh marka aad eegto ninamkan kitaabkii Illahay qoriga dabalaabka ku hoos qarinaya.

Maxaa horror dhexbodaaya
Maxaa halaq ka heesaaya

“Ood lagama gooyaan maxaa Eheli naar jooga” Cabdigahayr.

Inta hadhayna waa inoo waaberiga Sabtitada Dec. 2nd 2006.

Ha jirtoo ha waarto Jamhuuriyada Somaliland
inta ka xunna waxan odhan siduu yidhi Illahay, “Muutuu bi qaydikum.’

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Scarborough, Canada.
November 30, 2006
 
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.