|
Waxa beryahan dambe isasoo
taraya fashilaadaha ku imanaya khiyaamooyinka iyo tabaha gurracan ee
hoggaanka xukuumadda Riyaale wax ku maamusho.
Haddaba, waxaan anigu
maanta halkan ku iftiiminayaa boobka dhaqaale, eexda iyo himilo
la’aanta lagula dhaqmo Ciidanka Qaranka Somaliland, innagoo isla
eegi doonna inay maamulxumada guud ee dalka ka jirta uun ka mid
tahay iyo inuu yahay qorshe gaar ah oo lagu wiiqayo difaaca
Somaliland.
Waxyaalaha aannu isku seegnay madaxwaynaha, ee mawduuceennan dartii
jalleecista mudan, waxa ugu muhimsanaa:
1) Tirakoobka Ciidanka Qaranka, oo aan uga dan lahaa :
• Si aan u ogaado cududdeenna ciidan
• Si aan ugu sameeyo una dhaqangeliyo derejooyinkii Ciidanka Qaranka
• Iyo si aan tirada caaglaha loo yaqaan ee kasoo baxda T/Koobkan ugu
beddelo mushahar-kordhin ciidanka oo dhan ah.
2) Iyo Hantidhawr la geliyo Wasaaradda Gaashaandhigga:
Oo aan ula jeeday inaan hubiyo in shilin kasta oo miisaaniyadda ku
jiraa uu ku baxay halkii iyo ciddii loogu talagalay ;kadib markaan
xaqiijay in si xun loogu takrifalo miisaaniyadda Cidanka Qaranka, oo
la yidhi way ka madax-bannaantahay Wasiirka G/Dhigga,laakin uu toos
u xukumo madaxwaynaha oo adeegsanaya Taliyaha C/Qaranku. Markaan
ogolaanshaha fulinta labadaa qodob ee kor ku xusan muddo ka sugayey
madaxwaynaha;ee aanu marna iga diidin laakiin siyaabo badan ii
hakiyey ama ii carqaladeeyey, ayaan go’aansaday inaan adeegsado wax
kasta oo aan ku hirgelin karo fulinta labadan qodob (madaxwaynaha
la’aantii) maa daama aan u arkayey awoodahaygii oo layga horjoogay.
Dhibaato iyo canaad badan ka dib,waxaan ku guulaystay inaan khasab
ku fuliyay Tirakoobka aynu kor kusoo sheegnay,iyadoo oggolaanshihii
madaxweynuhu sidii nooga maqanyahay oo aanu raalli uga ahayn !
Waxa xusid mudan in askariga ciidanka qaranka ee aan ka hadlayaa uu
yahay ciidanka aanu muddo dhawr sano ahba ku haynay heeganka
colaadeed.Ciidanka badankiisa waxaanu ka rarnay degaamadiisii ay
maatadu u deggenayd;kadib markaan hal mar ku guulaystay in
mushaharka loo kordhiyona waxay u noqotay sl.sh.200,000/- keliya oo
la mid ah ilaa $30(soddon doolar oo keliya) bishiiba !!
Waxa halkaa ka cad in askartaa inakaga gudban aagagga cadowga
aannaan marna siinin mushahar u qaybsama iyaka iyo xaasaskoodii aanu
kala rarnay. Haddaba T/Koobkii Ciidanka Qaranka ee aan khasabka ku
fuliyey waxa kasoo baxay oo caddaatay in tirada dhabta ah ee
ciidanku ay tahay 1/3 ka mid ah tirada ku jirta
miisaaniyaddooda;sidaa darteedna waxaan soo jeediyey in farqigaa
tirada beenta ah kasoo baxay ee jeebabka gaarka ah ku dhici jiray
loogu saddex-laabo mushaharka askariga, oo sidaa darteed hadday u
noqoto sl.sh.600,000/-bishiiba uu noolaan karo,xaaskana wax uga tegi
karo.
T/Koobkan guusha ku dhamaaday ee ujeeddadii koobaad ee
mushahar-kordhintu ka dhex muuqatay waxa faa’idooyinka kale ee laga
helay ka mid ahaa in ciidankii loo sameeyey Waraaqo Aqoonsi, oo
kombiyuutargaraysan.
Anoo aad ugu riyaaqsan natiijooyinka kasoo baxay T/Koobkan, oo guul
iigu muuqday,ayaan bilaabay qodobka H/Dhawridda wasaaradda,oo markuu
iga diiday H/Dhawraha Guud ee Qaranku inuu baadhis noogu sameeyo
miisaaniyadda C/Qaranka,aan Taliska Guud ka magacawday laba sarkaal
oon ku kala magacaabay H/Dhawraha W.G/Dhigga iyo Ku-Xigeenkisa((
Internal Auditor &Assistant).
Waxaa halkan ku lifaaqan warqaddaan ku magacaabay H/Dhawreyaashan oo
uu madaxwaynuhu ka mid ahaa kuwa aan nuqullada ogaysiinta ah siiyey.
Ku-takrifalka miisaaniyadda Taliska C/Qaranka ee igu kallifay
baadhista Hantidhawrista waxaan tusaale usoo qaadanayaa mar aan
booqasho kedis ah ku tegey Cisbitaalka Guud Ee C/Qaranka ee Birjeex,
halkaana aan kula kulmay bukaan-jiif aagagga cadawga kusoo jabay oo
muddo lix bilood ah jiifay ,aanse waxba loo qaban oo laba
kabin,dabeedna qudhmay! Waxaan markiiba ula cararay oo kabistiisii
nagu gargaaray madaxda Cisbitaalka Guud ee Hargaysa. Markaan
arrinkaa si cadho leh u baadhayna waxa shaqaalihii Cisbitaalka
Ciidanku ii sheegay inaan wax-alla-wax dawo ahi meeshaba oollin!!!
Waxa iyana xusid mudan in qaybta ugu badan ee mudnaanta koobaad ee
miisaniyaddan la siiyaa ay tahay caafimaadkan aan xaaladdaa kula
kulmay(bal raadi oo dhugo madaxa caafimaadka ee miisaaniyaddaa).Taas
oo micneheedu yahay waa lagu qoraa lagumase kharashgareeyo!
Rayrayntii iyo guulihii aan idiinkusoo tilmaamy qodobka sare ee T/Koobku
masii socon ee waxaa aniga iyo qorsheyaashaydiiba galaaftay oo
markii loo adkaysanwaayay hilfaha naloogu qaaday tallaabadii
Hanti-dhawrista oo lagu macneeyey inaan ragna xidhxidhi rabay ,madaxwaynahana
fadeexadinayey!! Taasina waxay soo dedejisay shaqada oo layga
fadhiisiyey oo dembina la iiga dhigay:
b)Hantidhawr hore la iigaga digay, inaan ka dhega-adaygay oo
adeegsaday
t) iyo inaan xadhig la doonayey Taliye uu madaxweyne magacawday.
Shaqada oo layga fadhiisiiyaa waa wax caadi ah,waayo xilalka qaranku
waa meerto ee joogto maaha, oo horteen-jireba taa waa;waxase
iswaydiin leh halka ay ku dambaysay natiijooyinkii kasoo baxay
tallaaboyinkii aan u qaaday sixidda iyo horumarinta arrimaha
ciidanka.
• Isaga H/Dhawr waa la diiday ,waana arrin ilaa hadda dawladduba ka
xanaaqdo,oo loo yaqaano fadeexado ( tixraac fadeexaddii Jaamacadda
Hargaysa, baadhistii Wakaaladda Biyaha Hargaysa…iwm...).
• Waxa ayaan-darro ah inTirakoobkii guusha ku dhamaaday aan meella
lagaga fa’idaysan oo natiijadiisii qashinka lagu riday.
• In mushahar-korhintii la diiday oo lagu beddeley caaglayntii
hore,sidaa darteedna mashruucii dhammaa ee Haya’dda UNDP naga
caawisay inuu ku dambeeyey waxba-kama-jiraan.
• Waxa mar kale xusid mudan in xataa miisaaniyaddii iga dambaysay ee
2006da uu G/Wakiilladu raaciyay Lifaaq mushaharka 30% loogu korhiyay
Ciidamada iyo shaqaalaha dawladdaba,oo markanna madaxwaynaha &
wasiirkiisa maaliyaddu ay ka dhaarteen iyagoon wax sabab ahna
sheeganin.
• Biraha duugga ah ee dalka daadsan waxa intii Ina Cigaal noolaa loo
qoondeeyay oo weli ku qoran in Ciidanka Qaranku soo urursho,oo loo
gado ,dakhliga kasoo baxana iyaga lagu hormariyo.Waase lagusoo
xammaalaa uun,dakhliguna wuxu ku dambeeyaa gacmaha wasiirka
maaliyadda,Taliyaha C/Qaranka iyo madaxwaynaha;waa intoodii
miisaaniyadda ciidammadana ku lug lahayd.
Gebagebo.
Xaaladdan adag ee C/Qaranku ku suganyahay muddada 15ka sano ka
badan,waxa layska waydiin karaa sua’alo badan :
• Waa maxay duruufahan adag ee isasoo taraya ee aan muddada 15ka
sano ka badan marna il naxariis leh lagu eegayni?
• Maxaa diiday in ciidanka loo sameeyo derejooyinkii
kala-dambayntooda, dallacaaddooda iyo himiladooduba ku xidhnayd?
• Ku takrifalkan dhaqaalahooda ku habsaday, ma ka miduunbaa musuqa
xukuumaddoo dhan ka jira mise waa siyaasad u qorshaysan
dhabar-jebinta difaaca gooni-isu-taagga Somaliland, oo cadow laynala
sugayo?
• Miyaa la rumaysan karaa madaxwaynaha iyo wasiirkiisa maaliyadda
ayaa ka maarmi waayay inay hungureeyaan oo ku takrifalaan
miisaaniyadda kooban ee Ciidankan saboolka ah?
• Bal ila jalleec qayb yar oo ka mida dakhliga ballaadhan ee loo
tirinayo madaxwaynaha iyo wasiirkiisa faraha kala bixi la’
miisaaniyadda C/Qaranka:
1) Miisaaniyadda qaybta Fulinta(2006) waxay ka kooban tahay:
b) Madaxtooyada $2,513,624
t) Madaxwaynaha $520,083
j)M/W Ku-xigeenka $230,240
Haddaynu intaa ku dhaafno xalaasha la wada ogyahay,bal ila fiiri
xaaraanta loo tirinayo ee farta lagu wada fiiqo :
• Dakhliga dekedda Berbera ee ka maqan khasnadda Dawladda
• Dakhliga TOTAL & Haamaha shidaalka Berbera
• Kalluumaysiga shirkadaha shisheeyaha ah ee xaalufiya Baddeena,
kalluumaysatadeenniina fadhiisiiyay; oo aan meella kaga jirin
miisaaniyadda dalka.
• Shirkadaha Batrolka iyo Macdanta
• Sigaarka dib loo dhoofiyo ee loo kootarabaaniyo
• IWM…..IWM….
Ma waxa haddaba caqliga caafimaadka qabaa rumaysan karaa
madaxwaynaha iyo wasiirkiisa maaliyadda ee waxaa aynu dakhli soo
xusnay iyo qaar kaleba ku furan yihiin,ayaa miisaaniyadda C/Qaranku
ka nabadgeli wayday?
Anigu waxaan qabaa inay meesha taallo siyaasad ku qorshaysan inaanu
dhismin oo sinaba u taabbogelin Ciidan rasmi ah oo u taagan difaaca
qaranka Somaliland.
Hadday sidaa noqotona waa khiyaamo-qaran.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Ismail Omer Aden (Boss) Waa Wasiirkii hore ee Gaashaanka Somaliland,
Xog-ogaalna u ah xaaladda Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka. |