news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Ciidamada Maxaakiimta oo la wareegay xerooyinka Daynuunaay & Manaas

Wednesday,  December 20th, 2006

Cutubyo ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ee GMMI ayaa sida aannu ka helayno ilo muhim ahi sheegayaan inay si toos ah ula wareegeen deegaanka Daynuunaay oo ahayd xero tababar oo ay saldhig ka dhigteen ciidamada cadawga ah ee Tigre-gu. Dagaalka ayaan weli joogsan oo weli ka socda isla deegaankaas.

Qabsashadan xerada Daynuunaay ayaa ka danbaysay ka dib markii cagta la mariyey ciidamo weerar ah oo ku soo duulay kuwa Maxaakiimta oo fadhiyey duleedka xeradaas. Lama oga khasaaraha gaadhay ciidamada Tigre-ga iyo gaala-raaca ay ku adeegtaan hase yeeshee waxaan shaki lahayn in cashar lama illaawaan ah oo ku cibro qaadasho leh loo dhigay ciidamada cadawga ee ku soo duulay ciidda Soomaaliyeed.

Xerada Daynuunaay ayaa 25km keliya u jirta magaalada Baydhaba iyadoo wararku intaa ku darayaan in ciidamadii cadawgu dib ugu gurteen duleedka Baydhaba iyagoo doonaya inay ku gabbadaan oo gaashaan ka dhigtaan dadka shacabka ah ee ay xoogga ku haystaan.

Dagaal kale oo aan weli kala caddaan ayaa ka socda dhanka waddada qabata Diinsoor isagoo dagaalkaasi isugu soo ururay xerada Mannaas oo saldhig u ah ciidamada Tigre-ga.

Dhanka kalena, cutubyo ka tirsan xoogagga Maxaakiimta ee gobollada Jubbooyinka ayaa u jihaystay degmada Baardheere oo shacabkeedu waayadanba sugayeen inay qaataan kitaabka Alle.

Guulahan is daba joogga ah ayaa ah gallad Alle ku mannaystay kuwa diintiisa inay kor yeelaan naftooda u gunaanaday. Ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu cadawga islaamka jebiyo.

WAR DEG DEG AH: Ciidamada Maxaakiimta ayaa dhowaan la wareegay gacan ku haynta xerada Manaas oo qiyaasta 30 km galbeed kaga aaddan Baydhaba iyadoo baqtiga ciidamada tigre-gu daadsan yahay daafaha xeradaas.

 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.