|
Duqa
magaalada Ceerigaabo, Ismail Xaaji Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu
xafiiskiisa ku qabtay waxqabadka Degmada Ceerigaabo ee 2006 iyo
ku-talogalkiisa waxqabad ee qorshe sannadeedka 2007-ka, iyo arrimo
kaleba.
"Degmadan Ceerigaabo iyadoo miyi ah waxa laysugu yimid oo la
aasaasay 1926-kii, waana degmada ugu weyn degmooyinka Somaliland
iyadoo gobol ahaan Sanaag yahay 37.50% marka loo eego dalka intiisa
kale, waana degmo taariikhi ah oo leh dhul bannaan oo beeraha
kuhabboon, dhul-buureed faleenka iyo xabkaha kaleba ka baxaan, iyo
badda oo kalluunka iyo khayraadka kaleba laga heli karo, dadka
degmadan u dhashayna waa dad ilbax oo xaddaarad leh, mustaqbalkana
waxan rajaynayaa in degmadan laysugu soo noqon doono" sidaas waxa
yidhi Maayorka degmmada Ceerigaabo oo warbixin guud ka bixinayey
degmadiisa.
Isagoo
ka hadlayey waxqabadkii sannadka 2006 iyo kutalogalkiisa u
qorshaysan sannadka 2007 wuxu yidhi "Waxqabadkayaga degmo ahaan ee
sannadka 2006 oo ay ka mid ahaayeen a) gaadiid dhawr ah oo aannu u
iibinney dawladda hoose, b) dhagaxii wadooyinka iyo suuqa dhexdiisa
oo aannu jebinney, c) 17 aqal oo ganacsi oo aannu dawladda-hoose u
dhisnay, d) godadka waaweyn ee xashiishka lagu shubo oo aannu qodnay,
iyo e) beerta shirarka lagu qabto ee nuura oo aannu iyadana dhisnay,
ayaa weliba himilada waxqabad ee noo qorshaysan sannadka soo socda
ee 2007 annagoo taageero ka filayna dawladda iyo dadkayaga debedaha
jiraba waxa ka mid ah in aannu dhisno a) deyr lagusoo wareejiyo
xarunta dawladda-hoose iyo wakaaladda biyaha, b) masaajid aannu
dawladda-hoose u dhisi doonno, c) guri martidu gasho, d) musqulo
(public toilets)
e) Meelaha suuqyada magaalada qaarkood oo aannu laami dhigi doonno.
Dekedaha Gobolka Sanaag oo xidhan arrintaasna loo tirinayo cashuurta
aad u qaaliga ah ee xukuumaddu u qoondaysay ayaa isagoo carrabka ku
dhuftay maayorku wuxu yidhi "Inkastoo dagaalladii sokeeye ee ka
dhacay Gobolka Sanaag gaar ahaanna Degmada Ceerigaabo ay bulshadan
faqrisiiyeen, welibana waddo la’aantu usii raacday oo qofka maanta
Boosaaso ka degaa uu laamiga raacayo oo caawaba gaadhi karayo
Harta-Sheekh, ayaannu haddana xukuumadda ka rajaynaynaa in cashuurta
laga dhimo dekedaha oo hoos loo dhigo duruufaha jira dartood".
Dhinaca nabadgelyada mar uu ka hadlayeyna Maayorka Ceerigaabo wuxu
yidhi "Dhacdooyinka ugu waaweyn ee sannadkan 2006 ee ahaa dilalka
dhawr ah oo degmada ka dhacay waxay ahaayeen kuwo aan Aano ama Utun
hore xidhiidh la lahayn, balse cashiimo iyo maqaaddiir darteed ayay
ku dheceen, waana la xalliley marka laga reebo hal dil oo isagana
aan filayo in uu iska dhammaan doono dhowaan, mana jirto wax
nabadgelyo xumo oo waqtigan taagani, marka laga reebo khalad gef (farasaar)
oo loo geystey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo aan iyadu weli meelna
deign.".
Ceerigaabo oo kahadlayey caafimaadka xoolaha iyo dawooyinka ayaa
yidhi " Iyadoo xooluhu yihiin laf-dhabrta nolosheenna, bulshadana
aan ku boorrinayo in xoolo-dhaqashada lagu dedaalo ayaa haddana waxa
jirta daawooyinka laynoo keenayaa ma aha kuwii loo baahnaa, waxadna
mooddaa in laynagu tijaabinayo" isagoo hadalkiisa sii watana wuxu
intaas raaciyey "Xilligan waxa jirta xooluhu in ay bukaan, siiba
geela oo uu helay cudur cusub oo si aan qiyaas lahayn u dhimanaya
isagoo wadnuhu istaagayo, mana jiraan wax dhakhaatiir oo ilaa
xilligan soo gaadhey, wasaaradda xannaanada xoolahana qaylo-dhaanta
waannu gaadhsiinney, kamana jirto halkan meel xannaanada xoolaha
loogu talo galay
Author: Sanaagweb |