  
|
 |
|
Ciidamada
Maxaakiimta oo la wareegay degmada Qansaxdheere |
|
Friday,
December 15th, 2006 |
|
|
|
Ciidamada
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey
Degmada Qansaxdheere oo 50 km dhanka galbeed ka jirta Baydhabo. La
wareegistan Qansaxdheere ayaa ka dhigaysa degmadii 3aad (Qansaxdheere,
Diinsoor & Buurhakaba) ee ka tirsan gobolka Bay ee ay Maxaakiimtu si
toos ah ula wareegaan iyagoo weliba gacanta ku haya qayb ka mid ah
degmada Baydhaba.
Ciidamada Mujaahidiinta ah ee Maxaakiimta ayaa halkaasi gaadhay
iyadoo aanay wax xabbad ahi ka dhicin shacabkuna waxa ay ku soo
dhaweeyeen qalbi furan iyo farxad ah inay Qaataan Xukunka Kitaabka
Alle.
Dhanka kale, tuulada Kurtun oo Baydhabo 40 km galbeedka kaga beegan
ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad khasaare gaystay ka dib markii
ciidamo kuwa lugta ah oo ka tirsan Maxaakiiimta oo dhawaanahanba ku
sugnaa Kurtun ay wadada u galeen ciidamo gurmad u ahaa kooxda
Baydhaba oo ka yimid gobolka Gedo. Ciidamadaas ayaa sida la sheegayo
ay soo gaadhay qasaare dil iyo dhaawac isugu jira. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|