|

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee GMMI
Soomaaliyeed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga
wadanka Yemen ayaa shir la qaatay madaxweynaha dalkaasi Mudane Cali
Cabdalla Saalax.
Gudoomiyaha iyo waftigiisa oo uu ka mid yahay Prof. Ibraahim Caddow,
Madaxa Arrima Debedda ee GMMIS, ayaa waxa uu u gudbiyay Madaxweynaha
Yemen war bixino ku aadan fara galinta ciidamada Ethiopia iyo waliba
Mowqifka maxkamadaha islaamka ay ka taagan yihiin arinkaasi. Sheekh
Shariif ayaa sida la sheegay u caddeeyey Cali Cabdalla Saalax
inaanay waxba ka qabin inay la hadlaan Ethiopia, haddii uu Melez
Zenawi ciidamadiisa kagala baxo dalka Soomaaliya muddadii 7 maalmood
ahayd ee ay u qabteen. Booqashadan Guddoomiyaha ayaa ka danbaysay
martiqaad uu ka helay Madaxweynah dalka Yemen.
Prof, Ibraahim Caaddow oo isagu saxafiyiinta uga waramay kulankaasi
ayaa waxa uu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo
sameyn lahaa xidhiidj wanaagsan oo dowladda Yemen iyo maxkamadaha ay
yeeshaan. Madaxweynaha dalka Yemen cali cabdalle saalax oo
kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Yemen ay ka
go’an tahay xal lagu soo dabaalo dalka Somalia, isagoo sheegay in uu
ku dadaalayay 16 kii sano ee la soo dhaafay xal laga gaadho arimaha
murugsan ee Somalia.
Madaxweyne Cali cabdalle Saalax ayaa ku qanciyay Gudoomiyaha Golaha
Fulinta Maxkamadaha Islaamka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,in aanu
taageero dambe siin doonin dhinac ka mid ah kooxaha isku haya
Somalia. Maxkamadaha islaamka ayaa kal hore ku eedeeyay dowladda
Yemen in ay hub siisay dagaal-ooge C/laahi Yuusuf.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Yemen ayaa ku soo
gabogaboobay jawi wanaagsan oo is faham ku dheehan yahay. |