  
|
 |
|
Dagaal
kooban oo ka dhacay duleedka xerada Daynuunaay |
|
Tuesday,
December 12th, 2006 |
|
|
|
(Baydhaba.com):
Dagaal qadar gaaban socday ayaa fiidnimada wakhtiga Baydhabo ka
dhacay duleedka xerada Dooynuunay oo 25 km u jirta Baydhabo dhinaca
wadada isku xidhta Baydhabo iyo Muqdisho. Dagaalkan oo u dhaxeeyay
ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa iskiisa u
istaagay waxaana Baydhabo laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan ayadoo
dhinaca degmada Buurhakabana ay soo gaareen saraakiisha Maxaakiimta
Islaamiga oo uu ka mid yahay Sheekh Murhtaar Rooboow Cali “Abuu
Mansuur” oo uu kulan uga socdo degmada Buurhakaba. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|