|
Sida
ay qortay shabakadda wararka ee Baidoa, Ciidamada Mujaahidiinta ee
Midowga Maxkamada Soomaaliyeed ayaa soo gaadhay duleedka magaalada
Baydhaba. Ciidamdan ayaa la xaqiijinayaa
inay gaadheen deegaanka Abuu Casharoow oo 6 km keliya koonfur kaga
beegan magaalada Baydhaba.
Warkan oo saaka la helay ayaa sheegaya in ciidamada lugta ee Midowga
Maxkamadaha lagu arkayey halkaasi oo warar aan la hubine sheegayaan
inay dhufaysyo ka qoteen.
Wax wara oo arrintan ku saabsan lagama hayo dhanka Maxkamadaha
haseyeeshee af hayeenka Ethiopia ee Baydhaba, Cali Maxamed Geeddi,
ayaa shalayto ku eedeeyey Maxaakiimtu inay wadaan duullaan.
Ciidamo ku dhow 1000 Mujaahid ayaa iyaguna illaa shalay ku fiday
deegaanka Tiyeglow ee Gobolka Xuddur oo qiyaasta 105 km Woqooyi Bari
kaga toosan magaalada Baydhaba. Ciidamadan ayaa wacad ku maray inay
gooyaan jidka sahayda isla markaana go'doomiyaan ciidamada cadawga
marka uu Jihaadku bilaabmo.
Dhanka kale, weli waxa ku sii qulqulaya gobolka gedo ciidama
beeleedkii ka goostay budhcadda Baydhaba oo shalayto ka gudbay
degmada Qansaxdheere oo ay fadhiyaan maleeshiyo deegaameed taageera
Midowga Maxkamadaha.
Dawladda Yaman oo mar walba u gurmata
wakiillada Tigre-ga ee Baydhaba ku sugan ayaa wadda wax ay ugu
yeedhay heshiisiin iyadoo uu maanta halkaa u anbabaxay Guddoomiyaha
Golaha Fulinta, Sheekh Shariif Sheekh Axmad.
 |