  
|
 |
|
Maxaakiimta oo la sheegay inay
galeen degmada Qansaxdheere |
|
Saturday,
December 9th, 2006 |
|
|
|
Warar
saaka laga helay ilo aan rasmi aheyn oo ka soo baxay magaalada
Qansaxdheere ayaa sheegaya in magaaladaas ay galeen ciidamo ka
tirsan maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed. Warkan ayaan weli la
xaqiijin, laakiin warar la isla dhex marayo gobolka Baay ayaa waxa
ay sheegayaan in saaka magaaladaasi ay gacanta u gashay ciidamada
maxkamadaha islaamka.
Magaalada Qansaxdheere oo ka mid ah magaalooyinka ay dabadhilifka
Soomaali-diidka ahi u sameysay Maamulka ayaanu jirin wax ciidan ka
tirsan dowlad ku sheegta oo halkaasi joogay.
Lama soo sheegin wax isku dhacyo ah oo ka dhashay xilligii ciidamada
maxkamadaha ay galayeen magaalada Qansaxdheere.
Xidhiidh lala sameeyey dhanka maxkamadaha islaamka iyo waliba
dhinaca dowladda si wax looga ogaado cidda gacanta ku heysa
magaaladaas ayaanay weli noo suurto galin. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|