news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



"Fariin Dagaal ayaan u qaadaneynaa Qaraarka Golaha Ammaanka" Maxkamadaha

Thursday,  December 7th, 2006

Muqdisho: Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta kulan ka yeeshay qaraaka cunaqabateynta hubka Soomaaliye looga qaaday kaasoo uu shir gudoominayey guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Sh.Shariif Sh. Axmed.

Kulankaas oo looga hadlayey qaraarka uu gudbiyey Golaha Ammaanka iyo saameynta uu yeelan karo ayaa gabagabadiisa waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Sh.Cabdiraxmaan Janaqow.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in GMIS ay ka soo horjeedaan faragelin ajanabi oo lagu sameeyo Soomaaliya, cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliyana ay ka dhagan tahay dagaal loo caddeystay ummadda Soomaaliyeed.

“Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya waxaan u qaadaneynaa fariin dagaal, waana mid loogu tala galay in nabadda ay Golaha Maxkamadaha Islaamka ka sameeyeen deegaannada ay maamulaan lagu burburiyo” ayuu yiri Sh. Cabdiraxmaan Janaqow.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu fariin u diray dalalka Afrikaanka ah ee lagu wado in ay ciidammada ka yimaadaan “Soomaaliya kaalin wax ku ool ayey ka qaadatay gobonimo gaarsiinta dal badan oo Afrikaanah, mana ahan in ay hadda ugu abaal gudaan in ay u soo diraan ciidamo xasuuqa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sh. Cabdiraxmaan Janaqow waxa uu diray digniin dowladaha Afrikaanka ah “Maalin ay middudu idinku tagtay oo aan wax ka qabad laheyn ayaad garan doontaan haddii ciidammadiina loo adeegsado in lagu baabi’iyo shacbiga Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta GMIS.

 Source: Midowgamaxkamadaha.com

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.