news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali news


Audio News
 

 
 



Professor Caddow oo beeniyey inay Ethiopia la kulmeen.

Monday,  December 4th, 2006

Ku xigeenka arrimaha dibedda ee Ethiopia, Dekeda Alemu, ayaa sheegay inay Jabouti kula kulmeen ergo ka socota Golaha Maxaakiimta Islaamka taasoo, sida uu sheegay, ka mid ah kulamo dhawr ah oo ay la sameeyeen Maxaakiimta. Wuxuu ninkaasi sheegay inay Maxaakiimtu ka weji gabxayaan nabad lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan geeska Afrika isagoo sheegay inay gees maraan waddada nabadda!

xoghayaha arimaha dibadda Maxkamadaha islaamka Somalia Prof. Ibraahim Caddow oo shabakadda wararka ee shabelle u waramay ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin kulamo ay la qaateen saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia, waxa uuna sheegay in amuurataasi ay tahay been iyo borobagaando Ethiopia ay iska buun buunineyso isla markaasna ku qarinayso weerarka bahalnimada ah ee la damacsan tahay Somalia.

Waxa uu sheegay in wasiirkaasi uu la soo xiriirey, uuna ka codsaday kulamo ay qaataan labada dhinac, waxaana uu sheegay in maxkamadaha ay Ethiopia ku war galiyeen in Ethiopia haddii ay dooneyso in ay labada dhinac wada hadalo yeeshaan ay tahay in Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Somalia. 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.