news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali news


Audio News
 

 
 



Shir dadka laga tirada badan yahay (Minority) ee Somaliland ku qabsadeen Washington

Monday,  December 4th, 2006

(Washington, DC) : Shir ay ka soo qabsadeen dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland oo aanay ku jirin beesha Gabooye ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Washington.

Shirkaas oo ay gelbinayeen niman ka soo jeeda Putiland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Dhulmahante iyo Warsangeli waxaa looga arrinsaday waxa laga yeelayo Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa adduunku u soo jeesanayo waxqabadkeeda.

Shirkaas dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa ninka laba wajiilaha ah ee Cali Khalaf Galaydh iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo isagu ka soo jeeda beelaha Putiland. Shirkaas waxa kale oo ka hadlay niman ka soo jeeda Kililka 5 aad ee Ethiopia oo shirka u yimi sidii ay Daarood ugu midayn lahaayeen ka hortagga waxay ugu yeedheen afduubka beesha reer Sheekh Isxaaq ku hayso dadkooda.

Dhulka la yidhaa Somaliland waa xuduudda Maxmiyaddii Ingiriiska xorriyadeeda ka qaadatay 26kii June, 1960 kii waxaana wada dega Beelaha Samarroon (16%) Isaaq (80%) iyo beelaha laga tirada badan yahay (4%) oo ka kooban Gabooye, Harti iyo Ciise.

Beesha Gabooye oo iyadu ku qanacsan goonni isu taagga Somaliland ayaa ka maqnayd shirkaas beelaha laga tirada badan yahay ku qabsadeen Washington. 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.