|
Voice over
Internet Protocol (VoIP), | |
  
|
 |
|
Maraykanka oo QM waydiistay ciidamo nabadda ka suga
Somalia |
|
Saturday, December
2nd, 2006 |
|
|
|
|
Dawladda Mareykanka ayaa
weydiisanaysa Golaha Ammaanka illaa 8 kun oo ciidan ah oo aanay
ku jirin Ethiopia oo lagu taageero dowlada fadhiidka ah ee
Baydhabo. |
Diblomaasiyiinta
Mareykanka ayaa u qeybiyey qaraarkan qabyada ah wadamada xubnaha
ka ah golaha amaanka si ay uga baaraan dagaan, iyagoo dib isugu
soo laabanayo maalinta Isniinta.
Qaraarka Mareykanka uu soo gudbiyey ayaa u ololeenaya in
Soomaaliya la geeyo ciidamo Afrikaan ah oo nabad ilaalineed si
ay u taageeraan hay’adaha dowlada KMG ee fadhisa Baydhabo oo 250
km koonfur galbeedka kaga toosan caasimada Muqdishu.
Talaabadan ayaa ogolaanaysa in la debciyo xayiraada hubka ee la
saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii, iyadoo si weyn loogu
guuldareystay in hubka laga joojiyo Soomaaliya.
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Q.M John Bolton ayaa sheegay in
qaraarka uu ogolaanayo in ilaa sideed kun oo ciidamo xoogan oo
nabad ilaalineed oo ka socda Afrika lag geeyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in howshan loogu tala galay in lagu xasiliyo
dowlada KMG oo cadaadis kala kulmaysa maxaakimta islaamiga oo
gacanta ku haya badi koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Mr. Bolton waxa uu sheegay in dowlada KMG uu cadaadis kaga
imaanayo maxaakimta islaamiga, sidaasi awgeed buu yiri waxaanu
doonaynaa inaanu badbaadino oo aanu caawino dowlada KMG oo aanu
ku yaboohno ciidamada ka socda gobolka oo nabadda ilaaliya.
Keenista ciidamadan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda
maxaakimta islaamiga oo la wareegay gacan ku haynta caasimada
Muqdishu bishi June ee la soo dhaafay, ka dibna ku baahay badi
koonfurta iyo bartamaha dalka.
Qaraarka waxa uu ugu baaqayaa maxaakimta islaamiga inay
joojiyaan isbalaarinta ay wadaan, waxauuna uga digaaa in ay
xiriir la yeeshaan ururada argagaxisada ee caalamiga ah.
Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay maxaakimta islaamiga inay
gabaad siiyeen dagaaalyahano ka tirsan Al-Qaacida, kuwaasoo u
isticmaalaya Soomaaliya saldhig ay ka qaadaan weeraradooda
argagixiso.
Midowga Afrika iyo kooxaha kale ee gobolka ayaa mudaba waxa ay
qalqaalo ugu jireen in ciidamo ka socda bariga Afrika lagu
xoojiyo dowlada KMG, laakiin warka ku saabsan qaraarka uu soo
gudbiyey Mareykanka ayaa sare u qaadaya walaaca ay qabaan
wadamada Yurub ee ah in qaraarkaasi uu horseedi karo dagaal lagu
hoobto oo ka dhaca gobolka.
Tobaadkii hore ayaa golaha amaanka waxa uu isku raacay qaraar ay
soo gudbisay dowlada Qatar kaasoo ugu baaqayey xoghayaha guud ee
Q.M Kofi Anan inuu waqtiga u kordhiyo qubarada madaxa bannaan ee
kormeeraya xayiraada dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya.
Mareykanaka oo isagu Isha uun ka eegayay dagaalladada iyo
qalalaasaha ka socda soomaaliya ayaa waxaa lagu micneynayaa fara
galintan kadiska ah ee uu ku sameynayo arrimaha soomaaliya mid
la xiriirka xasaasiyad uu ka qabo Maxaakimta islaamka soomaaliya
iyo guud ahaanba Muslimiinta adduunka.
|
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|