|
Waar Ragow Kibirka
Waa lagu Kufaa Ee Kaa ha La Ogaado,
Riyaale Iyo Xukuumadiisu Somaliland Ha Soo Turxan bixiyaan.
Madaxweynaha
Somaliland distoorkii uu madaxnimada ku yimid ee isagaba keenay
waxaa cadaaty inuu ilaalin waayay oo la wada arkayo inuu si cadaan
ah u laalay kana doorbiday inuu dalkii ku maamulo mid u gaar ah oo u
isagu samaystay . Mr Rayaale waxaa kale oo markhaati ma doonto ah in
uu danihiisa gaarka ah u adeegsado una adeeegaan gole ka badh ah
baarlamanka dalka loo haystay gole guurti noqonna lahaa kuwii
dimuqraadiyada isu dheeli tiri lahaa bal se ay ayaan daro maanta
tahay inay dantiii qarannimada ka doorsadaan hadba qadhiidh yar iyo
qof shaqo loogu qoro.
Ka rog oo hadana
saar,sheekadan cusub ee la magacbaxaday turxaan bixinta xukuumada ,
goleyaasha iyo xisbiyada mucaaradka ah kana soo yeedhay madaxweyne
Rayaale waa mid lagu tala galay in lagu jaha wareeriyo umada oo
marba marka Rayaale shacabka godob ka galo lala yimaado sheeko
sheekadii hore lagu dambabaso. Hadii daacad laga wada yahay waa wax
dalka iyo dadkaba u wada fiican, waana mid sida runtu tahay ah in
sida loo xalilayaa noqoto cida laga doonayaa turxaan bixintu inuu
yahay mr Rayaale iyo godobaha isdaba jooga ah ee uu ka galayo
ganacsatada, shacabka masaakiinta ah, golaha wakiilada ee la soo
doortay iyo xisbiyada mucaaridkaba. Halkan kuma soo wada koobi karo
dambiyada uu Dahir Rayaale distoorka iyo shicibkaba ka galay .
Waar dadow mayd maxaa ugu
dambeeyay baaa la yidhi, dee kan hada la sii sidaba eeg baa la yidhi!
Sharikada Alxarbi oo ah sida lagu yaqaan ah shirikad dalkan iyo
dadkeedba waxay u tartay si weyn la wada ogsoonyahay illa imikadan
la joogana dawlada lacag amaahii kaga maqantahay iyakuna maxay
gaysteen? Mr Rayaale wuxuu si kas iyo ula kac ah ugu badheedhay in u
gaysto shirikada Alxarbi hagardaamo aan xeer iyo dhaqantoona inoo
ahaan jirin oo ah inuu khasaare galiyo sharikadaas kadib markuu si
cad ugu diiday isticmaalka haamihii shidaalka ee la moodayay in
qaran leeyahay, ma ka turxaan bixinayaa godobtaas? Eesh calaa
turxaan bixis yaa Rayaale! Horta Rayaale hadii madaxiisa beelnimo ka
guuxayso, beelna uu is leeyahay ku sii fogee oo awoodda xukuumada ku
isticmaal, reer Somaliland waa dad wada dhashay min Lawyacado illa
Laascaanood balse adeer afweynaa arintaas ku jabaye taa ka joog baan
ku leeyahay, waxaad sidataa kabo kuwii afweyne aan laga garan oo
gaboobay, wakhtigii la isticmaali jirayna laga baxay ,yaanay ku
hodin haduu maclin afweyne bari ku ahaan jiray.
Mr Rayaalow, turxaan bixinta
adigaa lagaa rabaa in garawsato wa hadaad garashadeeda iyo
aqoonteedaba leedahay. Godobtaas aad gaysatay waa mid ku daba taal
waligaa ,cawaaqib xumadeedana aad si dhakhso ah u waajihi doonto.
Dagaalkii Ciraaq ee 91 kii ayaa Sadaam Xuseen dhowr gantaal oo Skod
missiles ah maalintuu ku kala toogtay Sucuudiga, Kuwait iyo Isreal
ayuu intuu baastoolad cad isku jeeni qaaray hadba idhinac isu ruxi
jiray sidii oo aan cid celin kartaaba aanay jirin, miskiin maxaa se
uu ku dambeeyay dadow dadow inuu qafas yar ka dhex yowyow leeyahay.
Rag badan bay taasi u dambayn doonta wanaaga iyo sharciyada dalka
loo wada dhigtay hadii sidii uu ahaa xukuumadu u ilaalin waydo una
ixtiraami waydo . Waxaan leeyahay waar ragoow kibirka waaa lagu
kufaaa ee hoy oo hoy kaaa ha la ogaado, Madaxweynow distoorka iyo
sharciyada dalka u yaalla inaad ku dhaqantaa waa madaxweynenimadaada
iyo ixtraamka loo hayo haybada mansabku leeyahay ee umuduna mar
kasta ay ka dambaynayso markaad si waacan u xukunto hadii se adigu
aad garan waydo sidan hada xaal yahay xaalku sii noqon maayo,
amuusnaantaadan badanna waa la iskaga dambayn doona, sharcigaaga deg
dega ah ee in badan lagaaga taag waayay ayuunbaa noqon doona mid ku
huran oo lagula tiigsan doono. Umadan dulqaadkeeda dheeraaday yaan
qalad badani kaa galin, maalinta ay xadkeeda dhaafto xadkeedii
dhaaftay, dulqaadna wuu soo yaraanayaa ee dalkan kitaabkii aad
labada goor ugu dhaaratay dib u xasuuso.
Somaliland qaranimadeedu
sahal kumay iman, dhiig iyo dhagar laga galay oo wali lafihii sii
muuqdaan ayay ku timid, dulmi iyo cadaadis dheeraaday ayay ku timid,
kumanaan curad iyo madi u dhintay ayay ku timid, intaas oo la wada
ogyahay ayaynu hadana wax kasta ka doorbidnay is qadrin, is qiimayn
, is cafis walaaltinimo iyo inaynu xaq iyo cadaalad isku xukuno
nabadna ku wada noolaano. Dalkan madax baad ka noqotay adiga oo
taariikhdaadii hore cadayd meelna la iska dhigay oo aan la is
waydiin, sidii laguugu lisayna maanta lagama hayo xukuumadaada.
Cabudhinta, cadaadiska, dulmiga, xukunxumada, musuqmasaqa iyo
cadaalad xumaduba waxay keenaan nabad xumo. Somaliland qaybtii kale
ee Somaliya la isku odhan jiray waxay kaga duwanayd oo ay ku
dhaaftay isqadarin, is cafis iyo is qiimayn maamulkaaga ka hor.
Nabada dalku maanta dhinaca shicibka ayay ka nooshahay ee dhinaca
maamulkaaga way ka madhan tahay, dariiqii afweyna ee qabiil qabiil
ka hor geena waad ku socotaa inaga oo wali Somaliland aan aqoonsi
dunida ka haysan..
Hadaynaan is yeelyeelayn,
dalkan maanta wax la taaban karo oo aad u qabatay lama hayo aan
ahayn Maraakiib ajnabi ah oo fasax kaa haysta badaheenii xaalufiyay,
halka muwaadiniintii aan waxbaaanad uga ogalayn khasaarana aad ugu
tala gashay. Total waa sharikad aan dalkan waxba ugu filayn sharci
darana ku joogta halkii muwaadinkii cashuur bixiyayaha ahaa
xoolihiisii la khasaarinayo. ugu dambayn madaxweynow umadii
khaatiyaan bay taagan tahay ee dib u sax xukuumadaadii dalkan iyo
dadkan aad ILLAAHAY hortii ugu dhaaratayna si cadaalad leh ILLAAHBAA
cadilee u xukun.
Maxamud Lafcanbe
Toronto,Canada |